Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Dr. Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc), sidoo kalena soo noqday musharax madaxweynaha Puntland, ayaa booqashada la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tago magaalada Laascaanood ku tilmaamay mid taariikhi ah.
“Waxaan si diirran u soo dhoweynayaa booqashada qorsheysan ee Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, uu ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo, taas oo ah booqasho taariikhi ah oo adkeynaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Mashruuc, oo war-saxaafadeed soo saaray.
“Dadka iyo deegaanka SSC-Khaatumo oo muhiimad gaar ah u leh isku haynta umadda Soomaaliyeed iyo midnimada dalka, waxay muddo dheer dhibbane u ahaayeen dayaca ay kala kulmeen maamullada hareeraha ka xiga deegaankaas iyo doorkii ka maqnaa Dowladda Federaalka. Waa arrin bogaadin mudan in himiladoodii ahayd harsashada dowladnimada Soomaaliyeed ay maanta dhabowdo, iyagoo helaya booqasho rasmi ah oo ka timaadda madaxda ugu sarreysa dalka,” ayuu sii raaciyay.
Dr. Mashruuc, oo sidoo kale soo noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka deegaankaasi ay xaq u leeyihiin sida maamul goboleedyada kale matalaad siyaasadeed oo buuxda, iyo inay helaan qeybtooda ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dowlad-dhiska Soomaaliya.
“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka u soo jeedinayaa in booqashadoodu noqoto mid ka jawaabta baahiyaha ka jira deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taabbo-gelinta arrimaha maamul-dhiska,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa noqonaya mas’uulkii ugu xilka sarreeyey ee booqda deegaannadaas muhiimka u ah midnimada Soomaaliya, xilli muddo badan maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu sheeganayay in ay ka mid yihiin. Sheegashooyinkaas ayaa meesha ka baxay kadib markii dadka deegaanka ay dagaal kaga xoreeyeen ciidamada Somaliland.
Booqashadan ayaa sidoo kale imaneysa iyadoo Somaliland ay malaayiin dollar ku bixisay kireysashada shirkado lobbiyeyn ah oo Maraykan ah, si ay uga dhaadhiciyaan Washington in ay aqoonsato Somaliland, ama ugu yaraan ay ula macaamisho si gaar ah oo ka madax-bannaan Dowladda Federaalka.
Booqashadu waxay sidoo kale u diri doontaa caalamka farriin cad oo ah in gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, marka laga reebo laba ama saddex gobol – haddii lagu daro Awdal – oo wali gacanta ugu jira xukuumadda Hargeysa.