26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Somaliland oo dal iyo dibad ka wada olole ka dhan ah qorshaha R/W Xamza, kuna dacweysay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ku tago magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay inay kala hadleen Maraykanka oo ay ku dacweeyeen si ‘looga hor istaago tagitaankiisa Laascaanood.’

Wasiirka oo ka hadlay madal barta X-Space ah oo lagu wadajiray ayaa cadeeyey sida ay uga soo horjeedaan socdaalka la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tago Laascaanood, isagoo sheegay inay keeni karto dhibaato iyo xasilooni darro ku timaadda gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo wareysi siinayay BBC ayaa sheegay in ‘Laascaanood ay tahay dhulka Somaliland’ isaga oo daandaansi iyo xasarad abuur ku tilmaamay safarka ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood.

“Somaliland waxaa ka go’an inay difaacato xuduudaheeda iyo dalkeeda iyo dadkeedaba, wax kasta oo ay ku qaadato, tani waa colaad, waxaan u aragnaa xadgudub, jawaab uu fahmi karana waan ka bixinaynaa,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Laascaanood tegaya Jimcaha ama Sabtiga, maanta waxaa Laascaanood laga dejiyey ilaaladiisa gaarka ah iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Sidoo kale, berri waxaa baxaya masuuliyiin, weriyaal iyo marti sharaf kale oo ku casuuman Laascaanood, waxaana halkaas ka socota qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga DF, halka Somaliland ay wado hanjabaad iyo isku dayo ka socda dal iyo dibad oo ay ku hor istaageyso safarkaan.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxaa suurtagal ah in ra’iisul wasaare Xamsa uu Laascaanood ka siidaayo maxaabiistii dagaalka ee SSC Khatumo ay ku qabsatay dagaalkii ay la gashay Somaliland.

Ku dhawaad 300 oo maxaabiis dagaal ah oo saraakiil sare ay ku jiraan ayaa ku xiran Laascaanood, waxaana loo badinayaa in go’aan lagu gaaray in xabsiga laga sii daayo, markii uu booqdo Xamsa Cabdi Barre.

- Advertisement -

Read more

Local News