27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir caalami ah kala qayb-galay Erdoğan + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Antalya (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Turkiga ayaa kala qeyb galay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo madaxda caalamka furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalkaasi.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaan siinaya madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah, loogana hadlayo xaaladaha guud iyo xoojinta xiriirada caalamagi ah.

Sidoo kale waxa ay muhiimaddu tahay isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya madashan, si uu ugala hadlo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu shirku socdo waxa uu sidoo kale kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah, isaga oo kala hadli doona arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

Turkigan oo shirkan soo qaban-qaabiyay ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana madasha khudbad dheer ka jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo daah-furay, iyada oo ay sii socon doonaan khudbadaha mas’uuliyiinta goobjoogga ah.

Soomaaliya ayay sidoo kale fursad muhiim u tahay ka qayb-galka Madasha Caalamiga ah ee Diblomaasiyadda Antalya, iyada oo Madaxweynuhu la filayo inuu taageero waydiisto dowladaha waa wayn ee kasoo qayb-galay shirkaas, maadaama uu ku jiro dagaal adag.

Dardargelinta dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel wanaagsan, waxaana Soomaaliya ay taageero wayn ka heleysaa Turkiga oo diyaarado ugu deeqay.

 

- Advertisement -

Read more

Local News