Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Howl-galka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam ayaa si cad u muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
Sivuyile ayaa sheegay in xaaladda dhaqaale ee taagan ay khatar gelinayso sii jiritaanka howlgalka. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in dhaqaale xumada jirta aysan ahayn mid sahlan, balse ay tahay dhibaato sababi karta burburka howlgalka.
Bam oo ka hadlayay kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si toos ah uga digay halista laga dhaxli karo haddii aan wax laga qaban caqabadaha dhaqaale ee soo foodsaaray howlgalka.
Wuxuu sheegay in xaaladda AUSSOM aysan hadda u muuqan mid la sii wadi karo haddii aan la helin taageero maaliyadeed oo degdeg ah. Isagoo sii faah-faahinaya ayuu tilmaamay in AUSSOM ay si weyn ugu tiirsan tahay maalgelin joogto ah iyo in ciidamo si habsami leh loo keeno gudaha Soomaaliya.
Wuxuu xusay in hakadka iyo dib-u-dhaca ku yimid bixinta mushaaraadka ay sababtay niyad-jab ballaaran oo soo wajahay shaqaalaha howlgalka, gaar ahaan kuwa rayidka iyo ciidamada milateriga ah.
Mushahar la’aanta oo sida uu sheegay qaadatay muddo u dhexeysa 7 ilaa 9 bilood, ayaa keentay in shaqaalaha qaar ay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen howlgalka. Xaaladdan ayuu Bam ku tilmaamay mid dhaawac weyn gaarsiisay sumcadda iyo howl-maalmeedka AUSSOM.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in magaalada Kampala lagu qabto shir muhiim ah 25-ka April, kaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka iyo kala duwanaanshaha aragtida ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinaca maalgelinta howlgalka AUSSOM.
Sida laga warqabo, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo dhammeeyo kahor 30-ka June. Si kastaba, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelinta oo hor taagan hirgelinta qorshahaasi.
Qaraar uu horay u meel-mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda la wadaago si istiraatijiyadeysan oo u dhexeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Bam wuxuu ku cel-celiyay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa xal waara oo dhinaca maaliyadda ah, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana aan dib loogu noqon qalalaasihii hore ee dalka ka jiray.
Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in haddii aan xal laga helin, ay dhici karto in howlgalka uu ku burburo sababo la xiriira dhaqaale xumo, taas oo si toos ah u saameyn karta amniga gobolka iyo dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhab ah uga fiirsato masiirka howlgalka AUSSOM, lana muujiyo taageero muuqata oo degdeg ah, si howlgalku u yeesho waqti, awood iyo agab uu ku fuliyo waajibaadkiisa amni iyo midka siyaasadeedba.