Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland (PPF), oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, ayaa bogaadiyay maqaamka cusub ee SSC-Khaatumo ay ka heshay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madash ayaa si gaar ah ugu hambalyeysay Maamulka SSC-Khaatumo, waxayna tallaabadan ku tilmaameen mid muhiim ah oo xoojinaysa matalaadda dadka deegaankaas ee heer qaran.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay Madashu ku sheegtay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yeelan karo saameyn togan oo ku aaddan dib u qaabaynta maamulka Puntland, taasoo suuragal ka dhigi karta dib-u-eegis dhameystiran oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee la qaadayo.
Waxa kale oo si diirran u bogaadiyeen booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood, taasoo ay ku sifeeyeen mid muujinaysa isbeddel cusub iyo feejignaan siyaasadeed oo heer qaran ah.
Madasha ayaa shacabka ku dhaqan SSC-Khaatumo iyo Puntland ugu baaqday inay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, si loo dhiso hannaan siyaasadeed oo mideysan, loogana faa’iideysto isbeddellada muuqda.
Waxay shacabka Puntland si gaar ah ugu dhiirrigelisay in ay sii laba-laabaan taageerada maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo taas lagu sababeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo iskaashi dhexmara labada dhinac.
Sidoo kale waxay madashu ku baaqday in la qabto shirweyne siyaasadeed oo ballaaran. Ujeeddada shirkan ayaa ah in lagu falanqeeyo marxaladda cusub ee dhismaha Puntland iyo sida looga gudbi karo caqabadaha taagan.
Ugu dambeyn, siyaasiyiinta ku midaysan madashan waxay sheegeen in la joogo waqtigii dib looga fakari lahaa mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland, iyagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

