26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Saacid xilli uu dhaliyay xiisad xooggan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Madaxweynaha iyo Saacid ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xoojiyay garab istaagga dadaallada ay Dowladda Federaalka ugu jirto in kooxaha argagixisada laga xoreeyo Soomaaliya, korna loo qaado tayada ciidanka qaranka.

Kulanka uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay Ra’iisul Wasaare hore Saacid ayaa qeyb ka ah la-tashiyada qaran ee uu madaxweynuhu la leeyahay waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Saacid, oo ka mid ah musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, dhawaana kusoo laabtay dalka, ayaa jeediyay hadal si weyn loo dhaleeceeyay, kaasi oo uu ku sheegay in muddo kooban oo uu Muqdisho joogay uu arkay inay kooxda Al-Shabaab caasimadda qabsan rabaan.

Wuxuu sheegay in Ex-Control Balcad iyo Ex-Control Afgooye ay Shabaab ku soo dhawaadeen difaaca ciidamada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu Muqdisho u muuqdo mid halis ku ah.

Arrimahan ayaa imanaya xilli dalka uu galay marxalad xasaasi ah, isla markaana ay deegaano muhiim ah dib ugu laabteen gacanta argagixisada Al-Shabaab, taas oo halis gelisay degmooyinka hadda xorta ah, kuna qasbeysa dowladda inay dib u eegto qorshaha dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News