Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay buuqii ka dhacay baarlamaanka, mooshinka ay xildhibaanada qaar ka wadaan Guddoomiye Aadan Madoobe iyo kiiska muranka dhan uu salka ku hayo ee Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo laga saaray Golaha Shacabka.
Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku saxnaa in xildhibaankaas uu golaha ka saaro, maadaama uu ku dhaqmi waayey xeer hoosaadka oo labo kalfadhi oo xiriir ah xildhibaankii maqnaada uu sharciga ku weynayo xubinimadiisa.
Xildhibaan Ilyaas oo sii iftiimiyey waxa ay ku kala duwan yihiin xasaanad ka xayuubin iyo luminta xubinimada golaha ayaa xildhibaanada kale ee buuqa abuuraya ugu baaqay inay akhristaan xeer-hoosaadka golaha, Dastuurka dalka iyo sharciyada kale ee lagu dhaqmo, si qaladka iyo saxda ay u kala ogaadaan.
Wuxuu sheegay in xasaanadda cod baarlamaanka looga qaadi karo Xildhibaanka markii uu ku dhaco dembiyo uu ku weyn karo xubinimada, balse tani ay ka duwan tahay xasaanad ka xayuubin oo Xildhibaan Abiib uu sharciga ku weynayo xubinimadiisa, maadaama uu labo kalfadhi oo xiriir ah maqnaa.
Xildhibaankaan ayaa Guddoomiye Aadan Madoobe ku difaacay inuu xaq u leeyahay oo xeerarku awood u siinayaan inuu xubinimada ka qaado xildhibaankii imaa diida kulamada iyo kalfadhiyada golaha.
Sidoo kale, Xildhibaan Ilyaas ayaa sheegay in Cabdullahi Abiib oo xubinimadiisa golaha waayey uu diiday in dalkiisa uu yimaado oo kulamada golaha shacabka uu soo xaadiro, muddo ka badan labo kalfadhi, isagoo ku andacoonaya in amnigiisa uu u baqayo.
Wuxuu sheegay in Xildhibaano ergo ah loo diray, si ay uga dhaadhiciyaan in xubinimadiisa uu ku weynayo maqnaashaha iyo shaqo gudasho la’aanta, balse uu si cad u sheegay in dowladda Mareykanka ay uga digtay inuu ku laabto Soomaaliya iyo inuu u baahan yahay waqti uu ku dhisto ciidan ka difaaca khatarta ka jirta Soomaaliya.
“Golaha waxaan ka hor iri markii aan sharciga iyo xeer-hoosaadka fiiriyey ninkaan xubinimada waa lumiyey, kadibna midbaa igu qeyliyoo wuxuu igu yiri waryaa reer hebel ayaa tahay ninkaasna waa reer hebel ee afaarihiisa ka bax, marka xildhibaanada waxaan ugu baaqayaa inay sharciga akhristaan, isna dhaafaan buuqaan iyo indhacadeyska ay wadaan,” ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqada Baarlamaanka Soomaaliya ay noqotay yaa qeylo dheer, “si kasta oo sharciga aad uga hadasho la fiirinayo ee waxaa lagu qeylinayaa reer hebel iyo wax aan xeerarkeena ku qoreyn,” ayuu yiri.
Xildhibaanka oo la weydiiyey waxa ka jira mooshinka laga keenay Aadan Madoobe ayaa sheegay in waxaan ay salka ku hayaan fowdo ay wadaan dhowr Xildhibaan, isagoo ka codsaday xildhibaanadaas inay sharciga iyo kala dambeynta golaha ilaaliyaan.
Hoos ka daawo
https://www.facebook.com/share/v/1ATjxCyQjy/?mibextid=wwXIfr