Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada saxiixay mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in aysan ku qancin warqadii uu soo saaray guddoomiyuhu, isla markaana ay sidii ugu taagan yihiin go’aankoodii xil ka qaadidda guddoomiyaha.
Xildhibaan Cabdullahi Carab ayaa akhriyey bayaan kooban oo xildhibaanadaas ay ka soo saareen shirkii ay caawa isugu yimaadeen, waxayna cadeeyeen in Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.
Xildhibaanada ayaa soo saaray seddax qodob oo kala ah:
1 – In xubnaha saxiixay xil ka qaadista guddoomiyaha golaha shacabka ay u soo baxday in guddoomiye Aadan Madoobe uusan si toos ah uga laaban go’aankiisii sharci darrada ahaa ee Xildhibaan Cabdullahi Abiib uu uga xayuubiyey xubinimada golaha.
2 – Waxay aheyd inuu soo saaro go’aan maamul oo uu uga noqonayo warqadii sharci darrada aheyd oo uu ku saxiixan yahay lehna tixraac.
3 – Anagoo ah xildhibaanada mooshinka saxiixay waxaan cadeyneynaa, in war-saxaafadeedkii maanta ka soo baxay guddoonka golaha shacabka aanaan ku qanacsaneyn, mooshinkii guddoomiyaha ee xil ka xayuubintana sidii uu noogu taagan yahay.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo arrintaan culeys badan kala kulmaya ayaa caawa soo saaray warqad nuxurkeedu yahay labo qodob oo kala ah;
1 – Inuu dib ugu celiyey Guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka arinta la xiriirta kursiga Hop#201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib si ay ugu soo talo bixiyaan si waafaqsan godobka 50-aad, farqadiisa 2-aad, xaralka (D) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS.
2 – In Guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay tala bixintooda dib ugu soo celiyaan fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, si waafaqsan xeerhoosaad ka Golaha Sahcabka BJFS.
Xildhibaanada u doodaya xubinta golaha laga saaray oo ah Cabdullaahi Abiib ayaa nefis u arka tallaabada uu caawa qaaday Guddoomiye Aadan Madoobe oo ah talaabo lagu qasbay, halisna uu ku galay, maadaama Xildhibaanada mooshinkiisa saxiixay ay kor u dhaafeen 100, sida lagu arkay warbaahinta bulshada.
Xildhibaan Cabdullahi Abiib markii laga reebo inuu imaadiiday kulamada golaha, wuxuu aad uga hadlaa musuqmaasuq uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqanto, wuxuu degan yahay dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in si cad uu u sheegay in Soomaaliya oo Xildhibaan uu ka yahay uu uga baqayo amnigiisa.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee xildhibaanada