Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Maamulka Gobalka Banaadir Cisman Muriidi Cali ayaa madaxda gobalka ku eedeyay takoor, faquuqid iyo cadaalad darro ay kula kaceen degmada Xamarweyne.
Mashruuc uu bixiyey Bangiga Adduunka oo dhismaha waddooyinka degmada Xamarweyne ahaa ayaa loo leexiyay degmada Dayniile, halkaas oo maanta laga dhagax dhigay laami cusub.
Caasimada Online, waxay heshay farriimo cabasho ah oo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne uu ku qoray Group WhatsApp ay ku wadajiraan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Xamarweyne ayaa arrintaas toos ugu eedeeyey waaxda howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, balse waxaa u jawaabay guddoomiye ku xigeenka waaxdaas oo u sheegay in amarka lagu leexiyey mashruucaas uu iyaga ka sareeyo.
Isla qoraalkaas Guddoomiye Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir wuxuu Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ku amray in uu raali gelin bixiyo, isagoo sheegay in mashruucaas ay Dayniile u leexiyeen madax ka sarreysa iyaga.
Eedeynta waaxda howlaha guud ayaa toos ugu socota Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo bulshada reer Xamarweyne dhaafiyey mashruucii ay ka heleen dhismaha laamiyada Muqdisho.
Mashruuca uu duqa Muqdisho ka dhax dhigay Dayniile waxaa soo diyaariyay Guddoomiye Madaale, waxaana loo diyaariyay degmada Xamarweyne, wuxuu qorshuhu ahaa in lagu dhiso ilaa 4 waddo, balse waxaa loo weeciyay Dayniile.
Maamul xumada ka jirta Gobalka Banaadir ayaa gaartay ilaa heer ay masuuliyiinta gobolka isugu jawaabaan Group-yada shaqada iyo in loo hanjabo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo raali gelin lagu qasbayo, iyadoo mashruuc muhiim u ahaa degmadiisa laga dhacay.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa qoraalkiisa cabashada ah ku sheegay inuu u dacwoonayo madaxda sare ee dalka, isla markaana uusan aqbali doonin waxa dhacay, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku sharaxay muhiimada ay degmadiisa wadadaasi u laheyd.
Hoos ka eeg farriimaha la isku dhaafsaday Group-yada maamulka gobolka Banaadir