Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, isagoo saaka booqasho ugu tagay Madaxweynaha maamulka Galmudug Md. Axmed Qoor-Qoor.
Booqashada oo ahayd Salaan iyo isxogwaraysi ayuu Hoggaamiyuhu ugu yimi Madaxweynaha. Hoggaamiyaha ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha, isagoo sidoo kalana ku ammaanay doorka shariifka ah ee ku qaadanayo dadaalada dib-udhiska Dawladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda ku qaabilay wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda DPL Md. Siyaasi Xasan Shire Abgaal.
Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa salaan sharaf iyo iska xog-waraysi xaaladaha guud ee dalka.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasii horeeyay kulan muhiin ah oo hoggaamiyaha la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mud. Xildh. Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Senator Cabdullahi Cali Xirsi ‘Timacadde’ iyo xildhibaano labada gole ee Dawladda ka tirsan.
Kulanka ayaa diirrada lagu saaray xidhiidhka Golaha shacaka iyo Dawladda Ssc-khaatumo iyo muhiimadda qaran ee iskaashiga Golayaasha sharci-dejinta ee labada heer.
Hoggaamiyaha ayaa si weyn uga mahadceliyay booqashada Guddoomiyaha, isagoo sidoo kalana ku ammaanay doorka shariifka ah ee ku qaatay horumarinta shuruucda iyo hannaanka sharci dejinta dalka.