Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bananaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashada, wuxuuna maanta diiwaangeliyay illaa afar urur siyaasadeed oo qaatay shahaadada uu bixiyo guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa soo bandhigay ururada si diiwaangeliyay ee lixda ah, wuxuuna tilmaamay inay ku biirayaan 17 kale oo horay iskuugu diiwaangeliyay tartanka.
“Lixdaan urur ee sharafta leh ee maanta i hortaagan waxaad ku biiri doontaan 17 urur oo horay saan oo kale u siinay shahaadada is diiwaangelinta, marka waan ku faraxsanahay inaa noqotaan 23 urur oo soo buuxiyay shuruudihii laga rabay” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wadarta guud xisbiyada is diiwaangeliyay ay yihiin 23 urur, isla markaanada ay noqonayaan ururada rasmiga ah ee hadda ka jira dalka.
“Waxaan idin leeyahay kusoo dhowaada saaxada siyaasadda, maanta wixii ka dambeeya waxaa idinka rabnaa inaad diiwaangelinta dadweynaha usoo dirsataan ergadii goobaha diiwangelinta, insha allah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.
Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 15-ka bishaan lasoo gabagabeyn doono diiwaangelinta ururada siyaasadda, kadibna la guda geli doono howlaha kale ee u yaal.
“Bishaan May 15-keeda waxaa xirmi doonto diiwaangelinta ururada siyaasadda, inta hadda qaadatay shahaadada ayaana noqon doonto ururada rasmiga ah ee dalka u diiwaangashay, xaqana u leh inay tartamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhinca kale wuxuu soo hadal qaaday ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee haatan ka socda Mudqdisho, wuxuuna sheegay in la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan ay diiwaangelinta ka bilaabi doonaan xarumaha Maamul Goboleedyada, sida Jowhar, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Laascaanood.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakirsan tahay, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka iyo dhinaca kale Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.