27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay guri laga soo abaabulay fal halis ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa la wareegay dhismaha guri ku yaalla degmada Xamarjajab, kaas oo loo isticmaalay fal halis oo liddi ku ah amniga, kadib markii uu ka dhacay qarax culus.

Xeer uu soo saaray duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay afhayeenka gobolka, Saalax Carab, kaas oo sheegay in maamulka gobolka uu la wareegay gurigaas oo ku yaalla degmada Xamarjajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, waxaana lahayd haweeney lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayre.

Afhayeenka Gobolka ayaa shaaca ka qaaday in si dan-guud ahaan loola wareegay gurigan, kadib markii ay si wadajir ah usoo gudbiyeen halista gurigaas Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Qaybta Quud Ee Booliska Gobolka Banaadir.

“Wuxuu duqa Muqdisho soo saaray xeerkan; Laga bilaabo maalinta xeerkan la saxiixo dowladda hoose ee Muqdisho waxaa dan guud ula wareegtay dhul ay leedahay muwaadin lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayr, kuna yaalla degmada Xamarjajab, waaxda Gaheyr, cabirkiisuna yahay 20 lagu dhuftay 15,” ayaa lagu yiri afhayeenku.

Sababta waxa uu ku sheegay in gurigan loo isticmaalay fal halis ah oo liddi ku ah amniga qaranka, ayna ka dambeysay haweeneyda guriga lahayd.

“Waxay guriga u isticmaashay ujeedo halis ah oo liddi ku ah amniga qaranka, welina ay taagan tahay khatarta gurigaas” ayuu mar kale yiri Saalax Carab.

Sidoo kale wuxuu intaaasi kusii daray “La wareegidda gurigaas ayaa loo cuksaday sharciyada iyo xeerarka sare ku xusan iyo warqadaha ay soo gudbiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Taliska Qaybta Quud Ee Booliska Gobolka Banaadir”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horay Dowladda Soomaaliya u sheegtay inay wareegi doonto guri kasta oo laga soo abaabulo fal lidddi ku aH amniga caasimada, si looga hortago weerarada hoobiyeyaasha iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Indhowaanahan ayaa waxaa caasimada ka dhacayay weeraro u badan hoobiyeyaal, kuwaas oo laga soo tuurayay magaalada dhexdeeda, waxayna gaysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed oo wayn.

- Advertisement -

Read more

Local News