Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laba heshiis oo cusub la saxiixatay Malaysia, kawaas oo la xiriira Maamulka Dhijitaalka iyo Amniga Internetka.
Labadan heshiis oo is Is-Afgarad ah (MOU) ayaa waxaa galay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).
Ujeedada ugu wayn ee heshiisyadan ayaa ah xoojinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.
Heshiiska koowaad oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha.
Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Sidoo kale Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka.
Waxaa kale oo qayb ka ah isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.
Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.
Soomaaliya iyo Malaysia ayaa waxaa haatan ka dhexeeya xiriir xooggan, kaas oo ku dhisan wax wada qabsi, waxaana labada dhinac ay sii hormarinayaan iskaashigooda.