27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Xog: Shaacinta xisbiga Xasan Sheekh oo dib u dhacday, kadib arrimo la isku qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid xafladdii shaacinta rasmiga ah ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga Qaban-qaabada.

Xafladdan oo la filayay in ay ka dhacdo gelinka dambe ee maanta Hoolka Sahal Terminal, ayaa la hakiyay, iyadoo sababtu tahay wadatashiyo dheeraad ah oo la xiriira hannaanka iyo qaab-dhismeedka hoggaanka cusub ee xisbiga.

Wadatashiyadan ayaa u muuqda kuwo muhiim ah, maadaama ay taabanayaan arrimaha la xiriira sida loo dhisayo hoggaanka sare ee xisbiga. Waxaa lagu warramayaa in xal laga gaarayo habka awood qeybsiga, si loo helo hogaamin mideysan oo matasha dhammaan dhinacyada ku bahoobay xisbiga cusub.

Arrintan ayaa ah tiir muhiim u ah horumarinta qorsheyaasha siyaasadeed ee xisbigan oo ah kii hore ee madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayay, balse lagu sameeyay magac bedel iyo ballaarin.

Xisbiga JSP waxa uu ka kooban yahay xubno ka kala yimid saddex dhinac oo kala ah: xubnihii hore ee Xisbiga UPD, xubno ka tirsan Xukuumadda Dan Qaran, iyo wakiillo cusub oo ka yimid saddex Dowlad Goboleed — Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle. Sidaa darteed, wadatashiyada socda ayaa la filayaa in ay xaqiijiyaan matalaad loo siman yahay oo ka dhex muuqata dhamaan dhinacyadaas.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ay oggol yihiin qaabka loo dhisay hoggaanka, ayna muujinayaan tanaasul. Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay cabasho ka muujisay sida loo qeybinayo xilalka hoggaanka, taasoo keentay baahida loo qabo wadatashi dheeri ah si loo helo isu tanaasul siyaasadeed.

Dib u dhaca xafladda ayaa ah tallaabo muujinaysa in xisbiga JSP la rabo inuu ku dhismo is-faham buuxa iyo wadashaqeyn dhab ah, taas oo madaxweyne Xasan Sheekh uu taageero ugu raadinayo qorshihiisa doorashada.

Si kastaba, hadii Lafta-gareen diido ku biirista xisbigan cusub, oo la qancin waayo, macno badan ma sameyn doonto ku biirista Qoor-Qoor iyo Cali Guudlaawe, oo qorshihii Xasan Sheekh watay sidii loogu talo-galay uma dhaqan-gali doono.

- Advertisement -

Read more

Local News