Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga jawaabay raadaarka militari ee Imaaraadka Carabta ay ku rakibeen Boosaaso, kaasi oo ah raadaar ay sameysay Israel.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydheed Diriir, ayaa si adag u beeniyay wararkaas sheegaya in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay raadaarro ciidan ka rakibtay magaalada xeebta ku taalla ee Boosaaso, si loogu fuliyo weerarro cirka ah oo lagu beegsanayo Suudaan iyo Yemen.
Wasiir Diriir ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku tilmaamay eedeymahan “borobogaando been abuur ah” oo uu sheegay in ay faafinayaan kooxo uu ku sifeeyay kuwo si cad uga soo horjeeda xasilloonida Puntland iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Waddamo ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar, iyo hay’ado iska dhigaya inay yihiin warbaahin caalami ah ayaa ka dambeeya eedeymahan salka la’a,” ayuu yiri Wasiir Diriir. “Weli ma aqbali karaan xaqiiqda ah in Puntland ay si dhab ah u jebisay kooxaha argagixisada — kooxo Turkigu sanado badan la dagaallamay haddana ku guuldareystay inuu ciribtiro.”
Sawirro dayax-gacmeed oo la qaaday horraantii bishii Maarso ayaa daaha ka rogay in radar-ka noociisu yahay ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah radar casri ah oo leh 3D lagu xiray agagaarka garoonka diyaaradaha.
Xogta duulimaadyada hawada ee guud ahaan la heli karo ayaa muujinaysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay si joogto ah oo isa soo taraysa u adeegsanayso garoonka Boosaaso, si ay saanad ugu gaarsiiso ciidamada taageerada degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) ee Suudaan.
Ciidamada RSF ayaa muddo labo sano ah dagaal kula jiray militariga dalka Suudaan.
“Imaaraadka Carabtu waxay rakibtay radar-ka wax yar ka dib markii RSF ay gacanteeda ka baxday inta badan Khartoum horraantii Maarso,” sida uu il-wareed gobolka ka tirsan u sheegay Middle East Eye.
“Ujeeddada radar-ku waa in la ogaado loogana digo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha, gaar ahaan kuwa ay suuragalka tahay inay Xuutiyiintu ka soo tuuraan meel Boosaaso ka baxsan.”