Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Dawlad-goboleedyada dalka ayaa haatan bilaabaya inay si toos ah u hirgeliyaan qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka dalka, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Maamul-goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo SSC-Khaatumo ayaa ogolaaday inay qayb ka noqdaan qorshaha socda ee la xiriira hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedkii xalay soo baxay, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in maamul-goboleedyadan ay qayb ka noqdaan baahinta diiwaangelinta dadweynaha ee haatan ka socota magaalada Muqdisho, iyaga toos ah ula shaqeynayo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.
“Golaha waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyada ay guddiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangelinta dadweynaha, si loo hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah” ayaa lagu yiri qayb kamid ah war-murtiyeedka xalay soo baxay ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Sidoo kale, Golaha ayaa soo dhaweeyay in dalka uu aado hannaanka xisbiyada badan, iyaga oo u hambalyeeyay ururada is diiwaangeliyay oo kor u dhaafaya illaa 20 urur, kuwaas oo qaatay shahaaddada diiwaangelinta.
Waxaa kale oo ay farriin u direen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ugu baaqeen inay sameystaan ururro, si ay qayb uga noqdaan ololaha socda ee diiwaangelinta iyo doorashada 2026.
“Golaha waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee dalka ka hirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is-diiwaangeliyay, sidoo kale wuxuu dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda in diiwaangashadaan ururro siyaasadeed metala afkaartooda” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Qorshahan waxaa horay isaga diiday maamullada Jubbaland iyo Puntland oo labaduba ka maqnaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay laga soo saaray go’aannada culus.
Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah, waxaase ka taagan dood xoogan oo u dhexeyso Dawladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka dalka.