26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Nin damacsanaa qorshe halis ah oo lagu toogtay B/weyne

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal guuleystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo lagu toogtay nin hubeysan oo halis ku ahaa magaaladaasi, sida ay sheegeen saraakiilsha laamaha amniga.

Ninka la toogtay ayaa lasoo wariyay inuu watay bistoolad iyo bam-gacmeed, waxaana ka war helay ciidamada ammaanka eek u sugan xaafadda Buundo Wayn, kuwaas oo toogasho ku dilay.

Sidoo kale, nin kale oo la socday marxuumka la toogtay ayaa baxsaday, wuxuuna ka cararay ciidamada sameeyay howlgalka xalay ka dhacay halkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerar ay damacsanaayeen raggaasi oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

“Laamaha amniga ee ku sugan Beledweyne ayaa toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad iyo sidoo kale bambo, kaas oo doonayay inuu weerar ka gaysto magaalada” ayuu yiri qof kamid dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nin kale oo la socday ayaa jiro, kaas oo ka baxsaday ciidamada, wxuuna falka ka dhacay bar-kontarol oo ku taalla xaafadda Buundo Wayn” .

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana falka ka hortegga ah ee ay sameeyeen ciidamada soo dhaweeyay bulshada deegaanka, maadaama laga hortegay weerarkii ay qorsheynayeen raggaasi.

Beledweyn ayaa waxaa marar badan weeraro qaraxyo iyo dilal ka fulisay kooxda Al-Shabaab, waxaana u dambeeyay weerarkii odayaasha lagu dilay ee dhowaan ka dhacay hotel ku yaalla magaaladaasi.

Reer Hiiraan ayaa si weyn ula dagaalama Al-Shabaab, waxaana sababta soo celcelisay weerarada Al-Shabaab ee Beledweyne lagu sheegay kacdoonka shacabka ay ugu jiraan xoreynta gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News