Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee Hargeysa ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Teshome Shunde Hamito.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray “xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah” iyo fududeynta “isu socodka dadka iyo gaadiidka ee xadka ay wadaagaan.” Labada dhinac ayaa ku adkaystay muhiimadda “wadahadal wax-ku-ool ah” iyo ballanqaadka ay u wadaagayaan horumarinta xiriirka labada dhinac.
Kulankaas ayaa dib u xaqiijiyay xiriirka dhow ee labada dhinaca, wuxuunba xadgudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Is-dhexgalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Somaliland ayaa horey u sababay xiisad ka dhalatay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo horseeday isbahaysiyo cusub iyo heshiisyo ciidan oo gobolka ka dhacay.
Heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay Itoobiya kula saxiixatay Somaliland si ay u hesho marin badeed ayaa dowladda Soomaaliya u aragtay inuu xadgudbay midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda. Xiisaddaas oo socotay inta badan sanadkii 2024 ayaa ugu dambeyn lagu xalliyay dadaal dhexdhexaadin ah oo uu Turkigu hoggaaminayay, kaas oo sababay Bayaankii Ankara.
Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo ku saabsan kulanka dhexmaray Madaxweyne Irro iyo Safiirka Itoobiya ee Hargeysa.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Cirro wuxuu qaabeeyay siyaasad arrimo dibadeed oo firfircoon, isagoo ku dadaalaya inuu kor u qaado sumcadda Somaliland ee caalamka. Waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay qorshe safar rasmi ah oo uu dhawaan ku tegi doono Itoobiya, sida uu ku sheegay khudbadiisii dhowaan ee xaaladda dalka.
Kulankaas ayaa kusoo dhammaaday ballanqaad laba dhinac ah oo ku saabsan “xiriir nabadeed, wax-ku-ool ah oo miro-dhal ah.”
Dhanka kale, warbaahinta gudaha ee Itoobiya ayaa tabinaysa in Madaxweynaha Somaliland uu qorsheynayo booqasho shaqo oo uu ku tagi doono Itoobiya, inkasta oo aan weli la shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka.