27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Bayaanka shirka Golaha Wadatashiga iyo go’aano laga gaaray Jubaland & Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka socday 6-7 May 2025, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed 10 qodob ah.

Xaaladda Jubbaland waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Waxaa si rasmi ah loo aqoonsaday dowlad goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana shirweynaha dhismaha maamulkaas iyo dhameystirka hanaanka dowladnimo ee SSC loo xil-saaray inay ka shaqeyso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Goluhu wuxuu isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo tahay xubin ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu soo dhameystirayo shirweynaha lagu balansan yahay, waxaana la raacayaa dastuurka dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer federaal iyo SSC ayaa iska kaasha doona qabashada shirweynaha iyo dhismaha maamulka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa isku raacay in dowlad goboleedyada dalka ay guddiga doorashooyinka kala shaqeeyaan diiwaan-gelinta dadweynaha, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Qodob ka mid ah bayaanka waxaa hambalyo loogu diray xisbiyada is diiwaan geliyey, waxaana bayaankaan lagu taageeray hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka dhaqan galay.

Hoos ka akhriso qodobada war-saxaafadeedka

- Advertisement -

Read more

Local News