27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Xog: Laftagareen oo shuruud adag ku xiray dhismaha xisbiga Xasan – Muxuu rabaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu gadood ka muujiyay ku biirista xisbiga Xasan Sheekh, kadib markii reerkiisa loo diiday in la siiyo mid ka mid ah saddexda awoodood ee ugu sareeya xisbiga, taasi oo sababtay in caawa dib loo dhigo shaacintii xisbiga.

Xasan Sheekh oo ah hoggaamiyaha xisbiga ayaa isku raba inuu noqdo musharax, gudoomiyaha xisbiga waxaa la siiyey ra’iisul wasaare Xamse, xoghayaha guudna waxaa loo wadaa xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waa seddaxda awoodood ee xisbiga ugu sareeya, wuxuuna Laftagareen dalbaday in beeshiisa la siiyo Xoghayaha Xisbiga.

Xasan Sheekh oo dareensan miisaanka ay yeelan karto hadii uu lumiyo Laftagareen ayaa maanta u yeeray Cabdiraxmaan Odawaa oo horay loo qorsheeyey in la siiyo kursiga Xoghayaha Guud ee Xisbiga, waxaana laga codsaday inuu ka tanaasulo kursigaas, si loo siiyo Koonfur Galbeed, isagoo u soo jeediyey inuu qaato guddoomiye ku xigeenka xisbiga.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa la sheegay inuu ka cagajiiday codsigaas, inkastoo uusan laheyn awood uu uga horyimaado go’aanka Xasan Sheekh.

Hadii kursigaas la siiyo Laftagareen, waxaa hubaal ah in mar kale la isku qabsa doono qofka la siinayo, ma Xasan Sheekh ayaa soo xulaya, mise Laftagareen? Waa arrin aan weli hoos loo gelin.

Xasan Sheekh oo laga sugaayey xalinta mushkiladaha Soomaaliya ayaa ka dhamaa la’ dhismaha xisbigiisa, taasi oo muujineysa sida Xasan Sheekh uu weli uga shaqeynayo macaashkiisa shakhsiga ah.

Laftagareen wuxuu ku dooddaya in aaney arrintaasi u qaadmin reerkiisa, waxaana la sheegay inuu berri u laaban doono Baydhaba, hadii uusan Xasan Sheekh awood qeybsiga xisbiga sixin.

Hadii Laftagareen diido ku biirista xisbigan cusub oo la qancin waayo, macno badan ma sameyn doonto ku biirista Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe oo qorshihii Xasan Sheekh watay sidii loogu talo-galay uma dhaqangali doono.

Hadii Xasan Sheekh uu ku guuleysto dhismaha xisbigaan waxaa burburi doonta Madasha Wadatashiga Qaranka, waxaana hadda go’aanada iyo goobaha siyaasadda xubnaha xisbigaan ku meteli doona Xasan Sheekh iyo qofkii ay soo wakiishaan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News