Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo la filayay in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday, sabab yaableh oo keentay in inta badan mudanayaasha ay tagi waayeen xarunta ay ku shiraan ee Villa Hargeysa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildibaannada ay saameeyeen biyaha dhex ceegaaga waddooyinka ee ay sababeen roobabkii xalay ka da’ay caasimada, taasina ay keentay in xubnaha baarlamaanka ay kasoo gudbi waayaan waddooyinka xirmay.
Sidoo kale, xildhibaanno kooban ayaa lasoo wariyay inay tageen kulanka, laakiin ma buuxin kooramkii la rabay, taas oo keentay in ugu dambeyn meesha lagu kala tago.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka oo la xiriira arrintan, waase wax mararka qaar dhaca, in kooram la’aan uu buuqdo kulanka baarlamaanka.
Arbacadii lasoo dhaafay ayaa u dameysay oo uu kooramka buuxsami waayey, kadibna uu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe soo xiray fadhigii Golaha Shacabka.
“Xildhibaannada sharafta leh waxaad ogtihiin in afar saac marka la gaaro xeerka uu ina faraayo in hal saac lagu daro, waana lagu daray haddane 5-tii saac waa dhammaatay marka waxaa loo baahan yahay inaan ka fakirino sidii habsami u socodka baarlamaanka iyo howliheynii aan ku ilaashan lahayn” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray xildhibaannada iska maqan ee haddana jooga caasimada, wuxuuna ugu baaqay inay gutaan waajibaadka saaran ee loo igmaday, si uu u shaqeeyo baarlamaanka, una guto howlaha culus ee horyaallo.
“Xildhibaannada caadi ka dhigtay in iyaga oo magaalada jooga ay iska maqnaadaan waxaan u dirayaa codsi ah inay ilaaliyaan waajibaadka lagu leeyahay ee loo doortay” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Baaqashada kulamada ayaa imaaneysa xilli xasaasi ah, ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta golaha, taas oo la xiriirta mooshin ay wadaan xildhibaanno kasoo horjeedo Sheekh Aadan Madoobe, kuwaas oo horay buuq uga sameeyay baarlamaanka.
Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.
Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.