29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Guddoomiyaha Guddiga doorashada oo weerar culus ku qaaday duqa Muqdisho

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu waydiinyay ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo duqa Muqdisho.

Cabdikariin oo ka hadlayay roobabkii xoogganaa ee xalay ka da’ay caasimada ayaa sheegay in isaga iyo dadka kale ee ku sugnaa hoolka ay saameyn ku yeesheen roobabka, ayna aadi karin waayeen guryahooda, sababo la xiriira waddooyinka xirmay iyo kuwa burburay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan ala xisaabtami karin duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir iyo guddoomiyeyaasha kale ee degmooyinka, maadaama aynan ku imaan doorashooyin dadweyne oo qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Roob ayaa hadda da’ay meel aan marno maleh caawa guryaheenna ma aadi karno meelahaasi guddoomiye degmo ayaa xukuma, guddoomiye gobol-baa jooga ma naqaano waa naloo magacaabaa” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay ka shaqeynayaa doorashooyinka goleyaasha deegaanka, si loo doortay madaxda gobolka iyo degmooyinka, isaga oo xusay in markaas shacabka ay la xisaabtami karaan mas’uuliyiintooda.

“Beri marka la doorto guddoomiyaha degmada waxaa ugu takeysaa gurigiisa, waxaana leedahay maxaa sidaan iigu sameyneysaa anaa ku doortayee waana la xisaabtameysaa, balse hadda lama hadli kartid, illeen ma dooraninee” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Saameynta roobka ee uu guddoomiye Cabdikariin ka hadlay ayaa maanta ka taagan Muqdisho, waxaana ku dhintay dad shacab ah, halka ay soo dumeen guryo, sidoo kalena ay burbureen waddooyin laami ah oo halbowle u ahaa isku socodka dadweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka socoto diiwaan-gelinta dadweynaha, taas oo la gaarsiiyay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Diiwaangelinta kadib ayaa waxaa ku xigi doonta doorashada goleyaasha deegaanka oo iyana dhici doonto bisha June ee sanadka, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News