Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Sudan oo warqad rasmi ah usoo dirtay Dowladda Federaalka ayaa usoo gudbisay dacwad culus oo ka dhan ah Maamul-goboleedka Puntland, taas oo la xiriirta in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka ka socda dalkaasi.
Warqaddan oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sudan ayaa waxaa lagu sheegay inay la socoto in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo lagu eedeyay inay tacaddiyo ka gaysteen waddankaasi.
Waxaa kale oo ay Sudan sheegtay in garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqday xarun isugu jirta safarro iyo sahay ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada RSF, iyadoo la tuhunsan yahay in taageeradaasi ay ka dambeeyay dalal shisheeya oo uu ku jiro Imaaraadka Carabta.
Sudan ayaa sidoo kale ka digtay halis ka dhalan karta arrintaan, haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban, iyada oo xustay in taageerada Puntland u fidinayso RSF ay u aragto khatar weyn oo liddi ku ah amniga dalkeeda, ayna dhaawici doonta xiriirka labada dal.
Dhinaca kale dowladda Sudan ayaa shaki way ka muujisay hadal kasoo baxay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo dhowaan beeniyay eedda maamulkaas loo jeediyay, isaga meesha ka saaray inay ku lug leeyihiin xiisadda ka taagan dalkaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sudan oo u jawaabtay wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday in hadalkaasi uu yahay marin-habaabin iyo isku day lagu daboolayo kaalinta Puntland ee la xiriirta taageerada RSF ee haatan ka keentay dacwadda ay usoo gudbisay Soomaaliya
Qoraalkan ayay Sudan uga codsatay dowladda Soomaaliya in si deg dega ah ay baaris u sameeyso, kadibna ay qaado tallaabada ugu haboon, si looga sal gaaro arrintaasi oo ay tilmaamtay in aan la aqbali karin in ciidanka RSF ama hoggaankooda ay helaan taageero siyaasadeed, ciidan, ama saadka ah, maadaama ay loo haysto tacadiyo waa wayn.
Ugu dambeyn, Dowladda Sudan waxay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto arrintan, tallaabo sax ah ka qaaddo, islamarkaana ay mar kale caddayso mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida Sudan iyo nabadda gobolka.