29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Digniinta Mareykanka oo albaabada ka soo xirtay madaxweyne Xasan Sheekh

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga digtay in hoggaanka federaalka Soomaaliya ay kaligood ku fuliyaan isbeddello ku saabsan nidaamka federaalka iyo doorashooyinka dalka iyada oo aan la helin talo iyo oggolaansho ballaaran.

Bayaanka oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yimid kadib markii la soo gaba-gabeeyay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo Arbacadii lagu qabtay Muqdisho.

Inkasta oo dowladda federaalka ay shirka ku tilmaantay horumar lagu xoojinayo amniga qaranka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka, haddana maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland — oo ah laba maamul oo muhiim ah — ayaa muujinaya kala qaybsanaan sii fidaysa oo halis gelinaysa nidaamka siyaasadeed ee dalka.

“Dhammaan dhinacyada ay khuseyso waa in ay ka qayb qaataan go’aannada la xiriira nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri fariin ka timid Waaxda Arrimaha Afrika oo lagu daabacay X (horey Twitter). “Go’aanno la gaaro iyada oo aan la helin taageero ballaaran waxay luminayaan sharciyad waxayna carqaladeynayaan wax ka qabashada caqabadaha amni ee taagan.”

Mareykanka ayaa si aan caadi ahayn arrintan fagaare ugu hadlay, taasoo uu si gaar ah u xusay Cabdiraxmaan Caynte, wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ahna falanqeeye siyaasadeed oo la ixtiraamo. Wuxuu ku tilmaamay hadalka Mareykanka inuu yahay isbeddel weyn oo ku yimid xagga diblomaasiyadda.

“Diblomaasiyaddu waxay talo bixin u dhiibtaa si hoose, halka dhaleeceyntu si fagaare ah loo mariyo si cadaadis loo saaro,” ayuu qoray Caynte. “In Mareykanka uu si toos ah u cambaareeyo ad-adayga Dowladda Federaalka ee ku aaddan doorashooyinka iyo isbeddelka dastuuriga ah, waxay muujinaysaa in Washington ay ka dhammaadeen dhammaan waddooyinkii diblomaasiyadeed ee talo-bixinta, ayna la kulantay xulafo waayey jihadii siyaasadeed.”

Caynte ayaa isbarbardhig ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labaduba ay la kulmeen cadaadis gudaha iyo dibedda ah oo la xiriira dib-u-dhacyada doorashooyinka iyo awood dhaaf. “Sida madaxweynihii isaga ka horreeyay, Xasan Sheekh hadda waxaa lagu qasbi doonaa inuu galo hannaan doorasho oo uusan ku guuleysan karin ama musuq-maasuqi karin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in xaaladda taagan ay muujinayso “wareeg siyaasadeed oo xun” oo ku sii baahay dhaqanka siyaasadeed ee hogaamiyeyaasha dalka, isagoo ugu baaqay isbeddel jiil cusub. “Wareeggan xun wuxuu astaan u yahay dhaqan siyaasadeed oo qaldan oo ay ku taagan yihiin madaxda sare. Waqtigii isbeddel geesinimo leh oo dalka badbaadin kara waa la jooga,” ayuu ku soo gabagabeeyay.

Khilaaf ay adag tahay in la iska indho-tiro

Bayaanka Mareykanka ayaa yimid kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dhacay Villa Somalia, kaas oo uu guddoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo, iyo wakiillo ka socday gobolka Banaadir.

Goluhu waxa uu soo saaray war-murtiyeed ugu dambeyntii lagu sheegay go’aammo lagu xoojinayo isku-duwidda amniga qaranka, taageeridda hawlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyo dardargelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabanaysa Muqdisho kuna faafaysa maamul-goboleedyada kale.

Hase yeeshee, maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland ayaa hoos u dhigay saamayntii shirka. Labada maamul ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan wax-ka-bedelka dastuurka iyo qaab-dhismeedka doorashooyinka iyada oo aan la helin ansixintooda. Puntland ayaa hakisay wada-shaqeynta dowladda dhexe, halka Jubaland ay ku eedeysay Villa Soomaaliya in ay wiiqayso madaxbannaanideeda.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa si cad u diiday war-murtiyeedkii GWQ, isagoo ku tilmaamay “mid aan wax cusub soo kordhinayn, kana beddelayn xaaladda Jubaland.” Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda dhexe in ay iska indho-tireen qodobbada khilaafka asaasiga ah, ayna wataan ajande laga keenay xagga sare.

Iyadoo ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee Jubaland, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay diyaarsato xeer sharciyeed lagu xallin karo khilaafaadka gudaha maamulka. Laakiin madaxda Jubaland waxay ku adkeysanayaan in faragelinta Villa Somalia lafteedu tahay dhibka, ee aysan ahayn xal.

Dhanka kale, tallaabo astaan u ah isbeddelka siyaasadeed ee socda, Golaha ayaa si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleedka ugu cusub ee dalka.

Goluhu waxa uu sidoo kale dib u xaqiijiyay sida uu uga go’an yahay ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay si wadajir ah uga qeyb qaataan wada-xaajoodka siyaasadeed — inkasta oo taas si toos ah uga hor imanayso ka maqnaanshaha laba dowlad-goboleed oo muhiim ah.

Cadaadis caalami ah oo isa soo taraya

Dowladda Mareykanka oo ah saaxiib muhiim u ah Soomaaliya dhanka amniga iyo horumarinta ayaa si isa soo taraysa u muujinaysa walaac ku saabsan baahida loo qabo in hannaanka siyaasadeed ee dalka uu noqdo mid loo dhan yahay oo sharciyad leh.

Mareykanka ayaa si weyn u maalgeliyay dadaallada xasillinta Soomaaliya, wuxuuna ka baqayaa in isbeddello hal dhinac ah lagu hirgeliyo ay dib u furaan khilaafaad siyaasadeed oo halis gelin kara guulihii yaraa ee tobankii sano ee la soo dhaafay.

Xaaladaha ugu dambeeyay waxay muujinayaan in Soomaaliya mar kale wajahayso isgoys siyaasadeed. Iyadoo doorashooyin soo socda ay muuqdaan, kana dhex jirto kalsooni-darro u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyo dhowr ah, falanqeeyayaal ayaa ka digaya in fashilka lagu gaari waayo heshiis qaran oo dhab ah uu dib u celin karo dalka, islamarkaana uu horseedi karo dib u dhaca nidaamka dowlad-dhiska.

Sida uu xusay Caynte, mushkiladda ugu weyn ma ahan farsamada isbeddellada, balse waa dhaqanka siyaasadeed ee xun ee hogaamiyeyaasha. “Waqtigu waa hadda,” ayuu yiri, “in la hirgeliyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo geesinimo leh, si loo badbaadiyo dalkeena qiimaha badan.”

Waxaa weli laga war sugayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tixgelin doono digniinahan, una furo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Laakiin fariinta Mareykanka ayaa ah mid cad: sharciyad siyaasadeed lagama heli karo dusha sare — waa in laga dhisaa salka bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News