28.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Dad ku dhintay roobabkii ka da’ay Muqdisho (Daawo)

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga halaya khasaaraha ka dhashay roob xooggan oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho kaas oo saameyntiisa si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Roobka ayaa lasoo wariyay inay ku dhinteen dad danyar ah, sidoo kalena ay burbureen guryo badan, taas oo sii adkeysay xaaladda adag ee ka dhalatay roobka ka da’ay Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ku jira gabar yar iyo ayeeyadeed, kadib markii uu ku dumay gurigooda oo ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Dhacdada dhimashada sabatay ayaa timid ka gadaal markii guri ay daganaayeen qoyska uu kusoo kor dhacay guri kale oo ka dheer oo ay lahaayeen cid kale oo ay daris yihiin.

“Meeshaan xalay waxaa ka dhacday qadar Alle roob ayaa da’ay gurigaan oo hooseeyay ayaa guri kale oo ka koreeyay uu kusoo dumay, waxaana ku dhintay maamo iyo gabar ay ayeeyo u tahay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle Tv.

Wiil kale oo mayd ah ayaa isna saaka laga soo saaray god ku yaalla Laami yaraha Soobe, halkaas oo ay isugu tageen dadweyne fara badan, si ay gurmad u sameeyaan.

Dhinaca kale, saameynta roobka ayaa saaka si weyn looga dareemayaa xaafadaha Muqdisho iyo wadooyinka qaarkood oo burburay, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale arrintan ay saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, maadaama roobabku ay biyo dhigeen waddooyinka muhiimka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, waxaase laga sugayaa inuu qaado tallaabo deg deg ah, si biyaha looga qaado waddooyinka, loona fududeeyo isku socdka guud ee caasimada.

Muqdisho ayaa mar kasta oo uu roob da’do u nugul dhibaatada, waxaana soo duma dhismayaasha, halka ay burburaan laamiyada, sababo la xiriira tayo xumo darteed.

- Advertisement -

Read more

Local News