29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Dagaalka India iyo Pakistan oo sii xoogeystay iyo Delhi oo u eg in xaalku ku xun yahay

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa is-weydaarsaday madaafiic iyo rasaas culus oo ka dhacay xadka ay wadaagaan ee Kashmir, taasoo lagu dilay ugu yaraan shan qof oo rayid ah, iyada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda milatari ee labada dal ka dhaxaysa, kaddib weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa dhanka ay Hindiya maamusho ee gobolka muranka ka taagan yahay.

Sida uu sheegay sarkaal booliis oo Pakistani ah oo lagu magacaabo Adeel Ahmad, ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 12 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo culus oo ka dhacay meelaha ku dhow xadka kala qaybiya Kashmir ee loo yaqaan Line of Control. Dadka ku nool tuulooyinka xadka ku teedsan ayaa sheegay in rasaastu ay socotay ilaa waaberigii Jimcaha.

“Waan la qabsanay dhawaqa rasaasta is-dhaafsiga ah ee Pakistan iyo Hindiya ee ka dhacda Line of Control-ka, laakiin habeenkii xalay wuu ka duwanaa,” ayuu yiri Maxamed Shakil oo ku nool deegaanka Chakothi ee ku dhow xadka.

Dhanka Hindiya, saraakiisha milatariga ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay xalay duqeeyeen dhowr fariisin oo ku yaalla dhulka ay Hindiya maamusho ee Kashmir, iyagoo adeegsanaya madaafiic, hoobiyeyaal iyo rasaas toos ah. Ciidamada Hindiya ayaa is difaacay, taasoo keentay dagaal xooggan oo socday ilaa waaberiga.

Booliisku waxay sheegeen in laba qof lagu dilay afar kalena lagu dhaawacay qaybo ka mid ah aagagga Uri iyo Poonch, taasoo tirada dhimashada rayidka ee Kashmir-ta ay Hindiya maamusho tan iyo Arbacadii gaarsiisay 18. Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in madaafiicda iyo hoobiyeyaasha Hindiya ay ku dileen 17 qof oo rayid ah dhulka Pakistan maamusho.

Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in tobannaan kun oo qof laga daadgureeyay tuulooyinka ku dhow xadka ay colaadda ka taagan tahay, iyadoo kumannaan kalena ay habeenkii labaad hoy ka heleen xarumo ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay badbaadada shacabka.

Labada dhinac oo is-dhaafsaday weerarro iyo eedeymo

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee leh awoodda nukliyeerka ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo weerarkii 22-kii Abriil ka dhacay goob dalxiis oo caan ah oo ku taalla Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, kaasoo lagu dilay 26 qof oo rayid ah, intooda badanna ahaa dalxiisayaal Hindu ah oo ka yimid gudaha Hindiya. New Delhi ayaa Pakistan ku eedeysay in ay taageertay weerarkaasi, hase yeeshee Islamabad ayaa si cad u beenisay.

Arbacadii, Hindiya ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday dhowr goobood oo ku yaalla dhulka Pakistan, kuwaasoo ay sheegtay in ay saldhigyo u ahaayeen kooxo hubeysan. Sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan, weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 31 qof oo rayid ah. Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in ay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindi ah.

Khamiistii, Hindiya waxay sheegtay in ay fashilisay weerarro ay Pakistan ku qaaday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla in ka badan toban magaalo iyo tuulo, oo ay ku jirto magaalada Jammu ee Kashmir-ta ay Hindiya maamusho. Pakistan ayaa beenisay in ay geysay weerarro noocaas ah. Dhanka kale, Hindiya ayaa sheegtay in ay beegsatay nidaamyada difaaca cirka iyo raadaarada Pakistan ee u dhow magaalada Lahore. Wararkaasi lama xaqiijin si madaxbannaan.

Ciidanka cirka Hindiya ayaa Jimcihii sheegay in Pakistan ay habeenkii hore soo furtay 300 ilaa 400 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo milatari oo ku yaalla ku dhowaad saddex iyo labaatan goobood oo xadka galbeed ah.

Sida uu sheegay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Cirka, Vyomika Singh, qaar badan oo kamid ah drones-kaas ayaa la burburiyay iyadoo la adeegsanayay “habab toos ah iyo kuwa aan toos ahayn.”

Afhayeenka ciidamada Pakistan, Lt. Gen. Axmed Sharif, ayaa si adag u beeniyay sheegashada Hindiya. “Ugu yaraan hal burbur drone ah na tus si aad u caddeyso eedeynta,” ayuu yiri isagoo warbaahinta la hadlay Jimcihii.

Sharif wuxuu intaas ku daray in tan iyo fiidkii Arbacadii, Hindiya ay gudaha Pakistan ku soo ridday 77 diyaaradood oo weerar ah oo lagu sameeyay Israa’iil, kuwaasoo dhammaantood la burburiyay, burburkoodana ay uruuriyeen ciidamada Pakistan. “Wax kasta oo ay soo diraan, annaga waxaan ka dhigi doonaa burbur,” ayuu yiri.

Dhanka kale, barta bulshada ee X (Twitter) ayaa Khamiistii sheegtay in dowladda Hindiya ay ku amartay in ay xayirto in ka badan 8,000 oo akoon oo laga heli karo gudaha dalka, kuwaasoo ay ku jiraan “hay’ado warbaahineed caalami ah iyo dad caan ah.”

X ma aysan shaacin liiska akoontada la xayirayo, balse waxay sheegtay in amarkaasi uu “u dhigmaayo cunaqabateyn la saarayo waxyaabaha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, isla markaana uu ka hor imanayo xuquuqda aasaasiga ah ee hadalka xorta ah.”

Goordhow kaddib, X ayaa si ku-meel-gaar ah u xayirtay akoonka Global Affairs ee hadalkaasi laga dhajiyay, iyagoo sheegay in amarkaasi ku yimid codsi sharci ah oo ka yimid dowladda Hindiya.

Xiisadda oo saameyn weyn yeelatay

Tartanka cricket-ka ee gudaha ugu weyn Hindiya, Indian Premier League, oo ay ka qayb qaataan ciyaartoyda caalamiga ah, ayaa la hakiyay muddo toddobaad ah. Dhanka Pakistan, tartankii gudaha ayaa loo wareejiyay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sababo la xiriira xiisadda jirtay.

Cabsi ayaa sidoo kale baahday xilli ciyaar cricket ah ay galabnimadii ka socotay magaalada Dharamsala ee waqooyiga Hindiya, halkaasoo in ka badan 10,000 oo qof laga daad-gureeyay garoonka ciyaarta, taasoo la joojiyay, sida uu sheegay sawirqaade ka tirsan Associated Press oo goobta joogay.

Sidoo kale, gobollo badan oo waqooyi iyo galbeed ka xiga Hindiya — oo ay ka mid yihiin Punjab, Rajasthan iyo Kashmir-ta ay Hindiya maamusho — ayaa xiray iskuullada iyo xarumaha waxbarasho muddo laba maalmood ah.

Wasaaradda Duulista Rayidka ee Hindiya ayaa sheegtay in duulimaadyadii laga fulinayay in ka badan labaatan garoon oo diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka dalka la joojiyay ilaa 15-ka May.

Saamaynta dagaalka ayaa si weyn looga dareemay suuqyada saamiyada dalka, iyadoo tusmada Sensex ay hoos ugu dhacday 662 dhibcood oo ay gaartay 79,649 halka Nifty 50 ay lumisay 215 dhibcood oo ay ku gaartay 24,058 subaxnimadii Jimcaha.

Iyadoo cabsi laga qabo dagaal milatari ay isa soo tarayso, madaxda caalamkuna ay ugu baaqayaan labada dal in ay is-dejiyaan, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in haddii dagaal ka dhex dhaco Hindiya iyo Pakistan, arrintaasi aysan khuseyn Mareykanka.

“Waxa aan sameyn karno waa inaan isku dayno in aan ku dhiirrigelino inay dejiyaan xiisadda, balse kama qayb geli doonno dagaal aan waxba naga quseyn, oo aysan jirin meel aan uga talino,” ayuu Vance ku yiri wareysi uu siiyay Fox News.

- Advertisement -

Read more

Local News