25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xogta qoraalka Maraykanka iyo ashtakada Puntland ee ka dhanka ah SSC-Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Digniinta Mareykanka kasoo baxday ee loo diray Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ahayd farriin siyaasadeed oo culus, una muuqatay digniin hore oo lagu muujinayo walaac xooggan oo ku saabsan sida ay wax u socdaan, gaar ahaan sida Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh u wajahay hawlaha federaalaynta dalka, oo ay saldhig u yihiin dastuur lagu heshiiyay iyo doorasho la isla oggol yahay.

Qoraalka oo ay soo saartay Waaxda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa xambaarsanaa dhowr farriimood oo isku lifaaqan: mar waxay ahayd digniin, marna eedayn, mar kalena diidmo. Warbixintan waxaan ku eegaynaa nuxurka qoraalka kasoo baxay Mareykanka, Madaxweyne Xasan oo wajahaya ciqaab siyaasadeed, iyo xalka u furan ee farta loogu fiiqay.

Nuxurka qoraalka

Qoraalka ay baahisay Waaxda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa siday saddex farriimood oo kala ah:

Digniin: Marka la fasiro qoraalka, farriinta koowaad waxay muujinaysaa in Mareykanku si cad uga digayo go’aan hal dhinac ah oo ay qaataan Madaxda Xukuumadda, kaas oo wiiqaya wax-wada-lahaanshaha iyo isku-haynta dalka.

Eedayn: Sida laga fahmayo qoraalka, waxaa ku cad in Washington ay ku eedaysay Madaxweynaha inuu Golihii Wadatashiga Qaran u beddelay gole xisbi, ayna muuqato inuu doonayo inuu talada dalka keligiis haysto. Eeddaasi waxay hoos imanaysaa ballan-qaadyadii uu horey ula galay danjireyaasha UK iyo Mareykanka ee ahaa inuu qabto gogol wadatashi qaran.

Diidmo: Digniinta iyo eedaynta Mareykanku diray ka sokow, qoraalka waxa uu si cad u qeexayaa inaysan marnaba la aqbali karin talo kasta oo laga tir-tiro Puntland, Jubaland, mucaaridka, iyo bulshada rayidka. Mareykanka ayaa xasuusiyay Madaxweyne Xasan Sheekh in kelitalisnimo marnaba aan la oggolaan doonin.

Sababaha keenay farriinta Mareykanka

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, Mareykanku waxa ay ka biya-diideen ballan-qaadyo uu jabiyay Madaxweynaha. Dhowr farriimood oo si toos ah loogu gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhammaatay inuu ka dhuunto, ugu dambayntiina uu dhaqaaqo qorshihii qaabeynta Xisbiga Weyn ee uu ugu magac daray Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.

Qoraalka kasoo baxay Mareykanka waxa uu daba socday xog ay soo gudbisay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, taas oo sheegtay in aan Madaxweynaha lagu sii daawan karin go’aan qaadasho kaligii-talisnimo ah. Sarkaal ka tirsan Ergada Mareykanka ee Soomaaliya oo la xiriiray qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaridka ayaa u sheegay inay farriintani u jeeddo Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga joogsado dhismaha Xisbigiisa iyo burburinta hannaan talo-wadaag ah.

Dacwadda Puntland ee ka dhan ah SSC

Qoraalka waxa lagu muujiyay inaan wax laga beddeli karin hannaanka federaalaynta dalka haddii aan si wadar-oggol ah looga heshiinin. Arrintani waxay salka ku haysaa xiriir dhexmaray Mareykanka iyo Madaxweynaha Puntland, oo gudbiyay ashtako ka dhan ah aqoonsiga Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo.

Puntland waxay ku andacootay in aan laga talagelin arrimaha SSC-Khaatumo oo taabanaya dastuurkeeda iyo xuduudaheeda, loona baahnaa in Puntland iyo bulshada SSC-Khaatumo ay si sharciyeysan u go’aamiyaan kala-tag ama wada-joog.

Tallaabooyinka xiga ee uu Mareykanku qaadayo

Bilowgii arrinta Soomaaliya, diblomaasiyiinta Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan Danjire Richard H. Riley, ayaa si dhow ula socday xaaladda. Hase yeeshee, markii Madaxweyne Xasan Sheekh ka madax adaygay talooyinkii u dambeeyay, waxaa arrinta loo wareejiyay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington, halkaas oo iminka ay taallaa miiska Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Haddii Madaxweynuhu ka noqon waayo doonistiisa, Ergada Mareykanka ayaa mucaaridka iyo siyaasiyiin ay la hadleen u sheegay in xalka laga doonayo Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halkaas oo laga soo saari karo dhowr qodob oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Soomaaliyeed ee caqabad ku ah geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Tallaabooyinka xiga waxa ay noqon karaan: Cunaqabateyn dhaqaale, xayiraad safar, in safaaradda Mareykanka laga raro ama hoos loo dhigo, iyo go’doon siyaasadeed oo lagu soo rogayo dadka minja-xaabinaya amniga iyo doorashooyinka.

Falcelinta u furan madaxweyne Xasan

Si looga badbaado khilaaf iyo cadaadis caalami ah oo Soomaaliya halis gelin kara, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu haystaa hal jid oo xalku ku jiro: waa inuu dib u furo gogoshii Wadatashiga Qaran ee uu haatan si dadban u laabay, la fariisto kooxaha mucaaridka iyo dowlad-goboleedyada kasoo horjeeda, kana laabto arrimaha Xisbiga uu dhisayay.

Wixii intaas ka dhasha waxay u muuqan doonaan culays siyaasadeed oo uusan u babac-dhigi karin.

Si kastaba ha ahaatee, in Mareykanku hore u bilaabay farriimo toos ah oo ka dhan ah hoggaaminta Xasan Sheekh, kuwaas oo haatan maraya heerka Xafiiska Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa loo arkaa inay muujinayaan in la ogyahay dhammaadka mashruuca siyaasadeed ee uu Madaxweynaha wato, kaas oo ku salaysan xasillooni-darro, talo maroorsi, iyo amni kala daadasho.

Xigasho: Somali Stream

- Advertisement -

Read more

Local News