Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh in mar kale uu abaabulayo dagaal sokeeye oo lagu soo qaadayo Jubbaland, isagoo mar kale diginin u diray dowladda federaalka, kuna goodiyey in mid ka daran Raaskambooni ay dhici doonto.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu hayo xogta ciidan kale oo dowladda federaalka ay u direyso gobolka Gedo, si mar kale colaad looga abuuro gobolkaas, sida uu hadalkiisa u dhigay Axmed Madoobe.
“War ma xusuusataan miyaa musiibadii ka dhacday Raaskambooni? 1,500 oo wiil ayaa gacmaha madaxa saartay oo xuduudda ka gudbay, iyagoo isku dhiibay wadan kale, niyad jabkii ka dhashay waad aragtaan ciidankii dowladda waa iska dhici la’yahay Al-Shabaab, weli waxaa jirta maamul xumadii ciidanka,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Raaskambooni ay dowladda federaalku ka fulisay duqeymo ay maanta isaga dhici la’dahay Shabaab-ka jooga duleedka Balcad, sida uu hadalkiisa u dhigay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ceebta ciidanka Soomaaliyeed ku timid uu masuul ka yahay Xasan Sheekh, isagoo uga digay inuu ka sii shaqeeyo colaadda Jubbaland.
“Weli ciilbey qabaan, cunaqabateyntii shacabka waa soo dhaaftay howsha, ciidan kale ayaa la abaabulay oo Gedo loo dirayaa, laakiin shacabka Gedo waxaas ma yeelayaan, waa dad aragti dheer, hadii Gedo gaadiid la geynayo maxaa shalay diyaaradaha loogu qaaday kuwii horay loo geeyey?” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu dagaalka Jubbaland soo bilaabay 2013-kii, “Waa nasiib darro, waana ku aakhiro seegayaa Xasan Sheekh” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in barnaamijkaan uu dhulka iska dhigo, “Madaxweynow wixii soconayaa dadka loo sheegaa, Soomaaliya kalama xoog badna, ma aragteen intii Soomaali is dileysay qabiil laga adkaaday?” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Hoos ka daawo