30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Puntland oo shaacisay halis ka dhalan karta xisbiga cusub ee madaxweyne Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si adag uga hadlay ku dhowaaqista Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo uu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka nPuntlad oo ka hadlay dhismaha xisbigaan siyaasadeed ayaa tilmaamay inuu lamid yahay kii kacaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uu dib u celiyay, isla markaana tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa halis ah oo mugdi galinaya Soomaaliya.

“Xsibiga Xasan Sheekh iyo 3 sano kadib: Xisbiga siyaasadeed la mid ah kii KACAANKA oo aan ilo lahayn waa xilli soo dhammaatay” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka dib ugu celiyay kumeergaarnimadii, isla markaana uu dib usoo celiyay caqabado horay looga soo gudbay.

“Tani waxa ay Soomaaliya ku hoggaamin doontaa xilligii kumeelgaarka. Maxaa xoog Doofaar lagu eryay?” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho looga dhowaaqay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), waxaana guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Waxaa kale oo xisbigan ku jiro madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo xalay kasoo muuqday xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo uu muran ka taagan yahay, kadib markii ay diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News