Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa ka hadashay guusha ee uu Isniintii gaaray madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, taas oo la xiriira hubka dhigista uu sameeyay ururka PKK ee dalkaasi.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso go’aanka ururka PKK ee ay hubka ku dhigeen, taas oo meesha ka saareysa dagaalka ay muddada dheer kula jireen dowladda.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibads Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid gacan ka geysaneysa xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee Turkiga iyo guud ahaan gobolka.
Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa taageero waynu muujiyay madaxweyne Erdogan, gaar ahaan dadaalladiisa ku aadan xoojinta wada-hadallada nabadda eed dalkaasi.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujineysaa dadaallada lagu xoojinayo wadahadalka nabadeed, midnimada shacabka Turkiga, iyo xasilloonida guud ee gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Si kastaba, Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniintii todobaadkan ku dhawaaqay inuu is-burburiyey, isagoo sheegay inuu soo afjaray halgankii hubeysnaa ee uu kula jiray dowladda Turkiga, taasoo dhammaatay kadib afartan sano oo kacdoon dhiig badan ku daatay.
Ururka PKK, oo uu aasaasay Abdullah Ocalan dabayaaqadii 1970-meeyadii, ayaa qaatay hub sannadkii 1984, halkaas oo uu ka bilaabay weerarro ka dhan ah dowladda Turkiga kuwaas oo sababay in ka badan 40,000 oo dhimasho ah.
“Shirkii 12-aad ee PKK wuxuu go’aamiyey in la burburiyo qaab-dhismeedka ururka lana joojiyo halgankii hubeysnaa,” ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee u ololeysa Kurdish-ka, ANF.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa si diirran waxaa u soo dhoweeyey xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah,” balse xusay in habraaca loo “kormeerayo si dhow” oo joogto ah.
Go’aanka taariikhiga ah ayaa yimid kadib baaq uu Ocalan bishii 27-ka Febraayo ka diray xabsiga Imrali ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo 1999, kuna booriyey dagaalyahanadiisa inay hubka dhigaan oo ay ururka kala diraan.

