27.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xogta iska horimaad iyo dilal qorsheysan oo maanta ka dhacay Muqdisho + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir saxaafadeed u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay dilal qorsheysan iyo iska imaad maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdooyinkan ayaa sheegay in saaka rag burcad ah ay isku rasaaseeyeen degmada Xamarjajab, ayna iska dileen mid kamid ah, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ragga dagaalamay ay isku qabteen taleefoono ay kasoo dhaceen dad shacab ah, kadibna iyaga dhexdooda ay isku gaysteen dil iyo dhaawac.

“Saaka aroortii marka saaladda subax laga soo baxay kadib waxaa saddex eedeysane oo lagu raadjoogay oo dhacay moobeello ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo isla iyagii oo sarqaansan, iskuna khilaafay wixii ay soo dhaceen kadibna is rasaaseyn ka dhex-bilaabatay waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah, halka uu dhaawacmay mid kale oo gacanta lagu hayo” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dil kale oo sagaalkii bishan ka dhacay isla degmada Xamarjajab, kaas oo loo gaystay marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna sheegay in loo soo qabtay afar eedeysane.

Dilkaas wuxuu tilmaamay inuu ka dhacay aagga iskuulka Raage Ugaas, uuna ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay 4 eedeysane, kadibna uu kusoo dhamaaday dilka marxuumka.

“Isla Xamarjajab sagaalka May abaare 1:00 habeen saq-dhexe waxaa eeriyada Raage Ugaas khilaaf ku bilowday afar eedeysane oo hubeysan qaarkood oo shacab ah muran dhex-maray wuxuu kusoo dhamaaday in uu ku geeriyoodo marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, gacan ku dhiiglihii iyo eedeysanayaashii kale waa lasoo xiray” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dil kale oo ka dhacay degmada Heliwaa, gaar ahaan agagaarka Shaneemo Cabdi-waayeel, kaas oo oo loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Faysal Cabdullahi Takar, wuxuuna xaqiijiyay in lasoo qabtay ninkii dilay.

Afhayeenka booliska ayaa tilmaamay in inta badan ragga gaystay dilalkan iyo dhaca ay yihiin dambiilayaal horay loo xukumay, balse lagu soo daayay wada-hadallo iyo heshiis dhex-maray dhinacyda dacwadda, hadane ay markale ku laabteen isla falalkii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News