31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Mucaaradka oo soo saaray go’aan 7 qodob ah, kadib tallaabadii Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo goordhow soo saaray bayaan culus ayaa ka hadlay tallaabadii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan dhsimaha xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee xalay lagu dhowaaqay.

Mucaaradka oo mideysan, ayna ku jiraan madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore ayaa soo saaray go’aan ka kooban 7 qodob oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.

Ugu horreyn waxa ay sheegeen in la burburiyay Madashii wadatashiga qaran, kadib dhismaha xisbiga cusub ee Xasan Sheekh, waxayna tilmaameen in loo beddalay kooxeysi.

Sidoo kale waxa ay dalbadeen in la’isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay ugu yeereen in lagu samata bixinayo dalka.

Madaxweynaha ayay sidoo kale ku booriyeen inuu ka waantoobo inuu dagal ku wajaho Jubaland, maadaama haatan ay soo kordheen xaalado cusub oo labada dhinac ah.

Waxaa kale oo ay xubnaha mucaaradku soo dhoweeyeen go’aankii Mareykanka uu ku diiday qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyaya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhinaca kale, waxay farriin deg-deg ah u direen madaxda Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo ay ugu baaqeen inay xurmeeyaan shacabka, ayna qabtaan doorashada, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedka.

Ugu dambeyn waxay ka hadleen musuq ay sheegeen inuu ka dhex jiro hay’adaha dowladda iyo dhul boobka socda, iyaga oo QM ugu baaqay inay dabagal ku sameyso arrimahaasi.

“Kalitalisnimada, ku takrifal awoodda, musuqa iyo maamul-xumida baahsan, faquuqista siyaasadeed iyo caddaalad-darrada waxay shacabka ku ridday quus iyo rajo la’aan sababtay in ay lunto kalsoonidii ay ku qabeen dowladda, waxayna nuxuusisay taageeradii beesha caalamka, iyadoo fursad u abuurtay kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri bayaanka.



- Advertisement -

Read more

Local News