31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Muqdisho: Sarkaal sare oo si arxan darro ah loogu dhex-dilay gurigiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo xalay sarkaal sare loogu gaystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalka oo Gaashaanle Sare ahaa, laguna magacaabi jiray Cabdulqaadir Xuseen Cigaal.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in marxuumka lagu dhex-dilay gurigiisa, isla-markaana loola dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada. Sidoo kale, afhayeenka ayaa xaqiijiyay in lasoo xiray 5 eedeysane oo lagu tuhmayo dilka arxan darrada ee loo gaystay marxuum Cabdulqaadir Xuseen Cigaal,

“Xalay 10:00 habeenimo waxaa si arxan darro ah oo bani’aadanimada ka baxsan gurigiisa dhexdiisa loogu dilay Gaashaanle Sare marxuum Cabdulqaadir Xuseen Cigaal, waxaana loo hayaa illaa 5 eedeysane oo 100% la tuhmaayo inay ku lug leeyihiin,” ayuu yiri afhaayeenku.

Dhanka kale, Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdooyin kale oo ka dhacay Xamarjajab, wuxuuna sheegay in saaka rag burcad ah ay isku rasaaseeyeen degmada Xamarjab, ayna iska dileen mid kamid ah, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ragga dagaalamay ay isku qabteen taleefoono ay kasoo dhaceen dad shacab ah, kadibna iyaga dhexdooda ay isku gaysteen dil iyo dhaawac.

“Saaka aroortii marka saaladda subax laga soo baxay kadib waxaa saddex eedeysane oo lagu raadjoogay oo dhacay moobeello ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo isla iyagii oo sarqaansan, iskuna khilaafsan wixii ay soo dhaceen kadibna is rasaaseyn ka dhex-bilaabatay waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah, halka uu dhaawacmay mid kale oo gacanta lagu hayo,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dil kale oo ka dhacay isla degmada Xamarjajab, kaas oo loo gaystay marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna sheegay in loo soo qabtay afar eedeysane. Dilkaas wuxuu tilmaamay inuu ka dhacay aagga iskuulka Raage Ugaas, uuna ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay 4 eedeysane, kadibna uu kusoo dhamaaday dilka marxuumka.

“Isla Xamarjajab sagaalka May abaare 1:00 habeen saq-dhexe waxaa eeriyada Raage Ugaas khilaaf ku bilowday afar eedeysane oo hubeysan qaarkood oo shacab ah muran dhex-maray wuxuu kusoo dhamaaday in uu ku geeriyoodo marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, gacan ku dhiiglihii iyo eedeysanayaashii kale waa lasoo xiray,” ayuu sii raaciyay.

- Advertisement -

Read more

Local News