Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya.
Sanduuqan oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga, ayaa wuxuu muhiim u yahay qorshaha horumarinta qaranka, kaas oo ay ka shaqeynayso xukuumadda Dan-Qaran.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.
Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS. Mashaariicdan ayaa dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.
Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirkan uu guddigu maanta yeeshey ayaa waxaa ka qeyb-galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.
Si kastaba, barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.










