Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee la xiriira doorashooyinka dalka ee 2026.
Saciid Deni ayaa si gaar ah uga hadlay shirkii soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran iyo xisbiga Xasan Sheekh ee xalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa si weyn uga horyimid xisbiga la dhisay ee Cadaaladda iyo Wadajirka, kaas oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamullada iyo kuwa dowladda dhexe, isaga oo xusay in tallaabada la qaaday ay god-dheer kusii rideyso mustaqbalka dalka.
“Wixii xalay ka dhacay Muqdisho, marka eegto xaalku wuxuu marayaa, islaanta indho la’aan hadaa ku ogeydeen dad cunimo ayeey ku darsatay“ ayuu yiri madaxweyne Deni.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in sababta uu diideen ay tahay burburinta Jubaland iyo kala qaybinta dalka, sida uu hadalka u dhigay.
“Shirkii NCC waxaan ku diidnay waa aragtaan maanta ma dadka leh Jubaland hala burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho looga dhowaaqay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), waxaana guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.
Waxaa kale oo xisbigan ku jiro madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo xalay kasoo muuqday xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.
Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo uu muran ka taagan yahay, kadib markii ay diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee dalka.

