Riyadh (Caasimada Online) – “Waa nin soo jiidasho leh oo adag” waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Trump u qeexay hogaamiyaha Suuriya, isla markaana la saxiixday Heshiisyada Abraham – Sharaa ayaa ahaa nin markii hore lagu sheegay inuu yahay argagixiso.
Intii uu Trump kula kulmay Madaxweynaha Kumeelgaarka ee Suuriya Axmed al-Sharaa, wuxuu hogaamiyahaasi siiyay shan tilmaam, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka White House Karoline Leavitt:
- Inuu saxiixo Heshiisyada Abraham si loo hagaajiyo xiriirka Israa’iil
- Inuu u sheego dhammaan “argagixisada ajnebiga ah” inay ka baxaan Suuriya
- Si gaar ah, Trump wuxuu tilmaamay “argagixisada Falastiin” dalka laga saaro
- Inay ka caawiyaan Mareykanka in la joojiyo soo laabashada kooxda loo yaqaan Daacish
- Iyo isla mowqifkaas, inay qaataan mas’uuliyadda xarumaha xabsiga ee la xidhiidha kooxdaas ee ku yaal bariga iyo waqooyiga Suuriya.
Ka hor inta uusan Trump shaacin qorshihiisa ah inuu ka qaado cunaqabataynta Mareykanka ee Suuriya shalay, Suuriya waxay ahayd dowlad lagu calaamadiyay taageeridda argagixisada tan iyo 1979, markaas madaxweynayaasha isbedelka dalka ku qabsaday Bashar al-Assad, aabbihiis Hafez al-Assad, uu ahaa madaxweyne.
Waxaa xusid mudan in Israa’iil ay burburisay awooda difaaca Suuriya 48-kii saacadood ee ka dambeeyay xukunkii Bashaar Al Asad ee Diseembar, markii lagu soo waramay in in ka badan 400 duqeyn hawada ah la sameeyay.
Israa’iil waxay sii waday weerarada ka dhanka ah Suuriya, waxayna dhawaan duqeysay meel ku dhow madaxtooyada, iyadoo sheeganaysa inay rabto inay difaacdo xuquuqda dadka Druze – oo ah koox diimeed yar.
Madaxweynaha Sharaa ayaa marar badan sheegay in Suuriya ay rabto xidhiidh wanaagsan oo ay la yeelato deriskeeda – iyada oo aan la cayimin kuwaas. Dad badan ayaa soo jeedinaya inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Israa’iil.
Hogaamiyaha ayaa si aad ah u diiradda saaraya sidii uu dib cagaheeda ugu istaajin lahaa Suuriya iyo dhaqaalaheeda, si uu u sii hayo ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka.

