25.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

QM oo go’aan ka gaareysa howl-galka cusub ee Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro hirgelinta qaab maalgelineed cusub oo loogu talagalay Hawl-galka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo la wareegay kaalintii hore ee ATMIS.

Qaabkan cusub oo ah mid isku dhaf ah (hybrid) ayaa lagu qeexay Qaraarka 2719 ee la meel-mariyay bishii Diseembar 2023. Qaabka “hybrid” ee la soo jeediyay ayaa dhigaya in Qaramada Midoobay ay bixiso 75% kharashka hawl-galka AUSSOM, halka 25% ay bixiyaan Midowga Afrika iyo deeq-bixiyeyaasha kale.

Habkan ayaa loogu tala-galay in uu suurtageliyo maalgelin waarta oo lagu taageero dadaallada xasilinta Soomaaliya, iyadoo hawl-galkan la filayo in si rasmi ah u bilowdo bisha Luulyo ee sannadka 2025.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in haddii qaabka maal-gelinta si deg-deg ah loo hirgeliyo, ay suurtagal noqon karto in Qaramada Midoobay ay bixiso in ka badan 90% kharashka hawlgalka, taasoo ka baxsan xadka la isla meel dhigay. Mareykanka ayaa sheegay in tani ay dhaawici karto hufnaanta iyo waxtarka nidaamka cusub.

Sidaa darteed, Mareykanka wuxuu soo jeediyay in la sameeyo nidaam KMG ah oo loo yaqaan “bridging mechanism” oo soconaya muddo laba sano ah. Ujeeddada nidaamkan ayaa ah in la dhameystiro qaab-dhismeedka hawl-galka AUSSOM iyo in xal waara loo helo caqabadaha dhaqaale ee jira, ka hor inta aan la bilaabin maalgelin buuxda oo joogto ah.

Dhanka kale, Midowga Yurub iyo waddamada A3 plus (Algeria, Mozambique, Sierra Leone, Guyana) ayaa si buuxda u taageersan hirgelinta degdegga ah ee qaabka hybrid. Waxay sheegeen in dib u dhaca go’aanka uu carqaladeyn karo howlaha xasilinta Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee la filayo ayaa la ogyahay inuu si weyn u saameyn doono mustaqbalka hawl-galka AUSSOM iyo dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Haddii maalgelinta la ansixiyo, waxaa la heli doonaa taageero dhaqaale oo joogto ah, balse haddii dib loo dhigo ama la diido, waxaa laga baqayaa in howl-galku wajaho caqabado dhaqaale oo wiiqi kara xasilloonida dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News