Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay Mareykanka uu ka fuliyay aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaasi.
Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacay koonfurta halka loo yaqaano Togga Miraale oo shalay uun laga xoreeyay argagixisada Daacish.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan cirka ah lala helay firxad maleeshiyada Daacish ee isaga cararay halkaasi, isla-markaana la gaarsiiyay khasaare culus.
“Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miiraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaa la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miiraale” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Puntland.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana soconayo tirkoob ay waddo Puntland oo ku aadan khasaaraha kooxda Daacis lagu gaarsiiyay duqeyntan iyo howlgalladii u dambeeyay.
Shalay ayaa ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada gobolka Bari waxa ay guul wayn kasoo hoyeen dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxaana sidoo kale soo dhamaaday wajiga saddexaad ee howlgalkooda.
Puntland ayaa sheegtay in Sabtidiid ay qaaday howlgal dhulka iyo cirka ah, kaas oo ay ciidamadu ku qabsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd aagga Togga Miiraale.
Saraakiisha hoggaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in cagta la mariyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen firxadka argagixisada, isla markaana ay cashir u dhigeen.
Togga Miraale ayaa Daacish u ahaa saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.
Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhammaaday isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.