26.5 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Xog: Mucaaradka DF iyo beesha caalamka oo dood adag ku yeeshay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee jooga magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida ay mucaaradku u arkaan habka ay dowladda Federaalka wax u wado.

Kulanka ayaa si weyn uga duwanaa kulamadii hore, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah. Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa la sheegay inay muujiyeen xiise gaar ah iyo su’aalo badan oo ay ka qabeen mowqifyada mucaaradka, waxaana halkaasi ka dhacday dood adag.

Intii uu kulanka socday, diblomaasiyiinta ayaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka ku baraarujiyay in aysan arkin farqi weyn oo u dhexeeya mucaaradnimadii lagu diidanaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Farmaajo iyo tan hadda lagu wajahan yahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxay tusaale u soo qaateen in xubno horey uga tirsanaa dowladdii hore ay hadda yihiin kuwa ugu cadcad mucaaradka maanta.

Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale ku dooday in dowladda Federaalka ee talada haysa ay haysato sharciyad buuxda, islamarkaana go’aamada ay gaartay ay yihiin kuwa ay ansixiyeen Baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran fulinta howlahaas.

Dhankooda, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka jawaabay su’aalaha iyo tuhunka laga muujiyay mowqifyadooda. Waxay soo bandhigeen doodo sharciyeed oo ay ku difaacayaan sababta ay u arkaan in go’aamada dowladda qaarkood ay ka hor imaanayaan hannaanka saxda ah ee dowladnimo.

Mucaaradku waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen qaladaadka ay ku sheegayaan in lagu sameeyay habraacyada sharciyeed ee lagu ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka iyo go’aamo kale oo ay si cad uga soo horjeesteen. Waxay sheegeen in arrimahaas ay yihiin kuwa dhaawacaya nidaamka dimoqraadiyadeed ee dalka.

Kulanka ayaa noqday mid ay labada dhinac si furan isku waydaarsadeen aragtiyaha kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, doodda furan waxay tilmaamaysaa in Beesha Caalamka ay dooneyso in ay faham buuxa ka hesho muranka siyaasadeed ee taagan.

Ugu dambeyn, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay in mudnaanta ugu weyn ay weli siineyso in la gaaro wada-tashi qaran oo lagu mideynayo awoodaha kala duwan ee siyaasadeed ee dalka, si loo helo iskaashi guud oo wax looga qabto caqabadaha, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News