26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Al-Shabaab oo la wareegtay diyaaraddii milatari ee ku dhacday aagga Xawaadley

Bookmark
Bookmarked

Share

Balcad (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirrada diyaarad milatari oo ay lahaayeen ciidamada howlgalka AUSSOM oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhacday duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Al-Shabaab sheegatay inay iyadu soo ridday diyaaradda oo ahayd Helicopter, waxayna soo bandhigtay, iyada oo uu ka muuqdo burbur xooggan.

Sawirrada ay baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo muuqanayo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo kor saaran diyaaradda iyo kuwa kale oo gudaheeda ku galaya sawirro.

Sidoo kale, waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay soo duubeen dhalinyaro deegaanka ah oo diyaaradda kor fuulaya, taas oo ka dhacday dhuul beero ah

Diyaaraddan ayaa dhacday xilli ciidamada AUSSOM ee howlgalka Midowga Afrika laga daad-gureynayay halkaasi, kaddib markii a ku dhufteen roobab iyo daadad ba’an.

Howl-galka AUSSOM ayaa sheegay in intii ay socotay daad-gureynta ciidanka, mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca uu la kulmay cillad farsamo, balse wuxuu howlgalku tilmaamay in duuliyeyaasha ay si xirfad leh ugu dejiyeeen ciidanka dhul ammaan ah oo ay joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya

Waxaa kale oo uu howlgalku intaasi kusii daray in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay cilladdaas farsamo ee sababtay in diyaaraddooda ay ku dhacdo aagga Xawaadley.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay la wareegtay  deegaankaasi, iyadoo muddo dhowr sano ah gacanta ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab aya durbo dhaq-hdaqaaqyo ka bilowday halkaasi, waxayna tageen goobta ay ku dhacday diyaaradda, waxaana maanta baahisay sawirrada shilkaasi diyaaradeed

Xawaadley waxay sanadihii la soo dhaafay martigelisay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.

Guud ahaan, daad-gureynta ciidamada Burundi ee Xawaadley ayaa muujineysa sida dhacdooyinka dabiiciga ah ay u saameyn karaan xaaladda amni ee deegaanada jihaadiistu ay xoogga ku hayaan.

Inkasta oo AUSSOM ay awood u leedahay in ay ciidamo kale ku bedesho goobaha muhiimka ah, hadana ka bixitaanka ciidamada Burundi iyo soo laabashada Al-Shabaab ayaa tilmaamaysa caqabadaha joogtada ah ee horyaalla dadaallada xasilinta Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News