29.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Xasan Sheekh vs Xalane — Maxaa maanta dhacaya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa galeysa toddobaad go’aan oo xasaasi ah xilli uu sii xoogeysanayo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in beesha caalamka, gaar ahaa kooxda C6+ ay Khamiista maanta ah shir heer sare ah ku yeelan doonto magaalada Muqdisho, si ay u qiimeyso khilaafka siyaasadeed ee sii murgaya.

Shirkan, oo ay ka qeybgalayaan saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, ayaa diiradda saari doona sidii loo dejin lahaa mowqif diblomaasiyadeed oo midaysan oo ku aaddan wada-hadallada siyaasadeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha Madasha Samatabixita—oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal iyo guddoomiyeyaal hore oo baarlamaan—ayaa ku baaqaya hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Wakiillo ka socda Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD—oo dhammaantood ka tirsan kooxda C6+—ayaa la filayaa in ay ka tashadaan istaraatiijiyadda ay kula macaamili doonaan xaaladda siyaasadeed ee sii murgeysa.

Khilaafka taagan ayaa u dhexeeya laba garab siyaasadeed: dhinaca Villa Somalia oo ay taageerayaan saddex dowlad-goboleed iyo maamulka SSC-Khaatumo, islamarkaana ay garab siinayaan xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan ballaariyay; iyo dhinaca mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiin miisaan leh, kuwaas oo ku eedeeyay madaxtooyada in ay wado qorshe lagu uruurinayo awoodda dalka, taasoo wax u dhimaysa nidaamka federaalka.

Diblomaasiyiin ayaa ka digaya in xaaladdan ay khatar gelin karto isu dheelitirka siyaasadeed ee federaalka, taasoo u horseedi karta burbur siyaasadeed iyo carqaladeyn ku timaadda dadaallada dhismaha dowlad loo dhan yahay iyo xasilooni waarta.

Villa Somalia oo raadineysa sharciyad siyaasadeed?

Talaadadii, Villa Somalia ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal, guddoomiyeyaal hore oo baarlamaan iyo hoggaamiyayaal hore oo dowlad-goboleedyo, si ay uga qayb galaan shir wadatashi qaran ah oo la qorsheeyay in uu qabsoomo 15-ka Juun—tallaabo loo arko inay tahay isku day lagu doonayo in dib loogu hantiyo hoggaanka siyaasadeed.

Si kastaba, madaxweynayaasha xilalka haya ee Puntland iyo Jubbaland—Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)—ayaa si cad uga maqan liiska martida, taasoo dhalisay dhaleeceyn xooggan iyo su’aalo laga keenay waxtarka, matalaadda, iyo sharcinimada shirkaas.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in shirkan C6+ ee Khamiista uu sidoo kale noqon doono fursad lagu dejinayo mowqif caalami ah oo ku saabsan shirka 15-ka Juun, kaasoo khatar ugu jira in lagu gacan seero sababo la xiriira kalsooni darrida sii kordheysa ee ay qabaan saamilayda siyaasadeed ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa horey u shaaciyay in aysan ka qeyb geli doonin shir ay u arkaan mid beelaysan oo aan lagu soo darin Puntland iyo Jubbaland—labadaas dowlad-goboleed oo ay sheegeen in laga reebay si ula kac ah, taasoo dhaawaceysa sumcadda iyo waxtarka shirka.

“Ma noqon karno qayb ka mid ah wada-hadal sheeganaya inuu qaran yahay, halka uu si ula kac ah uga reebayo xubnaha muhiimka ah ee federaalka,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Iyadoo Villa Somalia ay sii waddo dadaallada shir wadatashi, cadaadiska gudaha iyo kan caalamiga ah ayaa isa sii taraya si loo helo hannaan siyaasadeed oo dhab ah oo ku saleysan wadaagis awoodeed iyo matalaad federaal ah.

Shirka Khamiista ee beesha caalamka ayaa noqon kara mid go’aamiya jihada siyaasadeed ee Soomaaliya—ma horseedi doonaa wadahadal iyo heshiis qaran, mise wuxuu sii fogeyn doonaa khilaafka siyaasadeed ee dalka?

- Advertisement -

Read more

Local News