29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Trump oo ‘cawaaqib culus’ ugu hanjabay Elon Musk

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii si adag ugu hanjabay la-taliyihiisii hore, Elon Musk, inuu wajihi doono “cawaaqib culus” haddii maalqabeenka teknolojiyaddu isku dayo inuu ciqaabo xubnaha Jamhuuriga ah ee taageera hindise sharciyeedka miisaaniyadda dowladda ee muranka badan dhaliyay.

Trump ayaa arrintan u sheegay warbaahinta NBC News, iyadoo xiisadda ka dhexeysa ninka adduunka ugu awoodda badan iyo ninka adduunka ugu lacagta badan ay toddobaadkan cirka isku shareertay, taasoo soo jiidatay indhaha dadweynaha.

Khilaafka kulul ee labada dhinac ayaa inta badan ka dhacay baraha bulshada, wuxuuna cirka isku shareeray Khamiistii, kaddib markii Musk uu cambaareyn xoog leh u jeediyay hindisaha Trump uu ugu yeeray inuu yahay mid “weyn oo qurux badan,” kaas oo hadda horyaalla Golaha Congress-ka.

Xubnaha qaar ee Golaha, oo kasoo horjeeda sharcigan, ayaa Musk—oo ahaa mid kamid ah taageerayaashii ugu weynaa ee dhaqaale ahaan u taageeray Jamhuuriga doorashadii madaxtinimo ee sannadkii hore—ugu baaqay inuu maalgeliyo musharraxiin doorashooyin hordhac ah kula tartama xubnaha taageera sharcigaasi.

“Wuxuu wajihi doonaa cawaaqib culus haddii uu sidaas sameeyo,” ayuu yiri Trump oo sidoo kale Musk ku tilmaamay qof “aan xushmad lahayn.” Hase yeeshee, madaxweynuhu ma faahfaahin waxa cawaaqibtaasi ay noqon karaan.

Waxaa kale oo Trump caddeeyay inuusan haba yaraatee xiiso u qabin inuu hagaajiyo xiriirkiisa hoggaamiyaha shirkadaha Tesla iyo SpaceX ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika, isagoo raaciyay inuusan qorsheynayn inuu dib ula hadlo.

Xiisadda labada dhinac ayaa si lama filaan ah u qaraxday, iyadoo Trump uu toddobaadkii hore Musk si diirran ugu ammaanay markii uu ka tagay shaqadiisii ku saabsanayd dhimista kharashaadka dowladda, gaar ahaan Waaxda Hufnaanta Dowladda (DOGE).

Hase yeeshee maalmo gudahood ayaa xiriirkoodu sii xumaaday, kaddib markii Musk uu ku tilmaamay hindise sharciyeedka Trump “mid fool-xun,” taasoo haddii la ansixiyo noqon karta astaan muhiim u ah muddada labaad ee Trump ee xafiiska.

Trump ayaa isagana uga jawaabay si caro leh isagoo hadal ka jeediyay xafiiska Oval-ka ee Aqalka Cad, taasoo keentay in xiisadda labadooda dhex taallay ay sii xumaato, magaalada Washington-na si weyn ugu fajacday khilaafka labada nin.

Inkasta oo ay jiraan khataro siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo dhab ah oo ka dhalan kara khilaafkan, ayaa labada dhinac waxay Jimcihii u muuqdeen inay si taxaddar leh u qaboojinayaan xiisadda. Trump ayaa warbaahinta u sheegay, “Waxaan u rajaynayaa wanaag kaliya,” halka Musk uu isagana ku soo qoray barta X, “Sidoo kale.”

‘Arrin hore looga hadlay’ –

Trump ayaa mar kale waraysi uu siiyay NBC News Sabtidii ku soo hadal qaaday xiisadda ka dhalatay markii Musk uu tirtiray mid kamid ah eedaymihii ugu cuslaa ee uu soo jeediyay intii uu jiray khilaafkoodu.

Musk ayaa hore Trump ugu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Jeffrey Epstein, maal-qabeenka fadeexadeysan ee is-dilay 2019 isagoo wajahaya eedeymo la xiriira ka ganacsiga galmada.

Musk ayaa sheegay in Trump uu ku jiro faylal qarsoon oo ku saabsan xiriiradii Epstein, wuxuuna intaa ku daray in arrintaasi tahay sababta dhabta ah ee loo qarinayo xogtaas.

Maamulka Trump ayaa horay u xaqiijiyay inuu dib-u-eegis ku hayo kumannaan dukumiintiyo ah, muuqaallo iyo caddaymo baariseed oo la xiriira Epstein, kuwaas oo taageerayaasha Trump ee dhaq-dhaqaaqa “MAGA” ay sheegaan inay kashifi doonaan siyaasiyiin iyo dad caan ah oo ku lug lahaa dambiyadii Epstein.

Trump ayaa horraantii sannadkan 2024 lagu xusay faylal iyo dukumiintiyo uu furay garsoore maxkamadda New York ka tirsan oo lala xiriiriyay Epstein. Madaxweynaha laguma soo eedayn wax dambi ah oo ku saabsan kiiskaas.

“Waxaa la joogaa waqtigii xogta weyn la shaacin lahaa: (Trump) wuxuu ku jiraa faylasha Epstein,” ayuu Musk ku soo qoray bartiisa X. “Waa sababta dhabta ah ee aan weli xogtaas loo shaacin.”

Si kastaba ha ahaatee, Musk ma caddeynin nooca faylasha uu ka hadlayay, sidoo kalena wax caddayn ah ma soo bandhigin. Wuxuu sii adkeeyey eedayntaas isagoo mar kale yiri, “Xusuuso qoraalkan mustaqbalka, runta ayaa soo bixi doonta,” balse Sabtidii subaxdii hore ayuu labadii qoraalba tirtiray.

Trump ayaa eedayntaasi ku tilmaamay “arrin hore looga hadlay,” isagoo intaas ku daray, “Xitaa qareenka Epstein ayaa sheegay inaan wax lug ah ku lahayn.”

Taageerayaasha Trump ee shirqoollada rumeysan ayaa inta badan ku dooda in dowladda iyo dad kale oo caan ah ay qariyeen lugtii ay ku lahaayeen dambiyadii Epstein.

Waxay inta badan farta ku fiiqaan xubnaha Dimoqraadiga iyo dadka Hollywood-ka caan ka ah, balse Trump kuma jiro dadka ay bartilmaameedsadaan. Illaa hadda ma jirto ilo rasmi ah oo xaqiijinaya in madaxweynuhu ku jiro xogta qarsoon ee aan weli la shaacin.

Trump ayaa la ogyahay inuu xiriir bulsho oo fog la lahaa Epstein, balse wuxuu beeniyay inuu waqti ku qaatay jasiiradda gaarka ah ee Little Saint James, oo ku taal Jasiiradaha Virgin ee Maraykanka, halkaas oo dacwad oogayaashu sheegeen inuu Epstein u isticmaalayay goob uu ugu tacadiyo galmo ahaan gabdho da’ yar.

“Nin wanaagsan ayuu ahaa,” ayuu Trump, oo Epstein deris kula ahaa Florida iyo New York, ku sheegay waraysi laga qaaday horraantii sannadihii 2000. “Wuxuu ahaa qof ay aad u xiiso badan tahay inaad la joogto. Waxaa la sheegaa inuu jeclaa haween qurux badan sida aan aniga u jeclahay, qaar badan oo kamid ahna ay yihiin kuwo da’ yar.” 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News