Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan sannad kadib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaa wali muuqda inay ku adag tahay sidii ay uga faa’iideysan lahayd xubinnimada ururkaas.
Kala-daadsanaanta dowladda iyo caqabadaha siyaasadeed ee gudaha ayaa la sheegay inay hortaagan yihiin ku-milanka dalka ee EAC, taasoo sababtay in shacabka Soomaaliyeed aysan wali helin faa’iidooyinkii laga filayay xubinnimada.
Inkastoo Soomaaliya ay bixisay khidmad dhan $3.5 milyan markii ay ku biiraysay ururka, haddana dadka haysta baasaboorka Soomaaliyeed ayaa wali wajahaya caqabado adag oo dhanka socdaalka ah. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ku guul-darreysatay inay buuxiso jagooyin muhiim ah oo siyaasadeed iyo maamul oo kaga bannaan hay’adaha EAC.
Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay ururka ka kooban toddobo dal ee EAC, taariikhdu markii ay ahayd 4-tii Maarso 2024, taas oo ahayd gunaanadka dadaal socday muddo 15 sano ah, iyadoo lagu guulaystay ka dib sannado badan oo dalka uu wajahayay caqabado dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah.
Dadaalka Soomaaliya ay ku doonaysay inay ku biirto ururka EAC ayaa si weyn waxaa hormuud uga ahaa maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday in sababta ugu weyn ay ahayd in dalka uu la jaanqaado horumarka dalalka gobolka ee dhanka ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Si kastaba ha ahaatee, faa’iidooyinka la taaban karo ee laga filayay ku biirista ururka ayaan wali si muuqata loo arag. Shacabka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ugu badan ee safarka ku taga gobolka ayaa filayay inay helaan fududeyn dhanka socdaalka ah, laakiin wali waxay la kulmayaan dhibaatooyin badan, sida inaysan wali helin fiiso la’aan ay ku galaan dalka Kenya—oo ah adeeg ay inta badan dalalka Afrika helaan marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya oo keliya.
Arrintan ayaa culays dhaqaale iyo mid bulsho ku ah shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Ballanqaadyo siyaasadeed oo aan wali la fulin
Marka laga tago caqabadaha socdaalka, Soomaaliya ayaa sidoo kale ku guul-darreysatay inay si firfircoon uga qeyb-qaadato qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo maamulka ee EAC.
Ururka EAC, oo la aas-aasay sannadkii 2000, ayaa leh baarlamaan (East African Legislative Assembly – EALA), gole fulineed (Secretariat), iyo maxkamad sare (East African Court of Justice), taas oo xarunteedu tahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Soomaaliya oo ah xubin rasmi ah ayaa xaq u leh inay u dirto sagaal xubnood oo matala baarlamaanka EALA, sidoo kalena waxay xaq u leedahay inay hesho mid ka mid ah sideedda xil ee ugu sarreeya maamulka ururka, sida Xoghayaha Guud ama Guddoomiyaha baarlamaanka EALA.
Baaritaan madax-bannaan oo aan sameynay ayaa muujinaya in Soomaaliya ay si aan la fahmi karin dib ugu dhigtay buuxinta jagooyinkan muhiimka ah. Dib-u-dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxtooyada oo ku guuldarreysatay inay waqtigii habboonaa u gudbiso baarlamaanka liiska xubnaha loo soo xulay inay matalaan Soomaaliya ee EALA.
Hab-raaca caadiga ah ayaa ah inuu jiro tartan daahfuran oo musharraxiin badan ku tartamaan kuraastaas, kadibna baarlamaanka Soomaaliya uu si rasmi ah u ansixiyo liiska musharrixiinta.
Hase yeeshee, maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diray liis xiran oo lagu saleeyay nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5, isagoo si toos ah loogu gudbiyay xoghaynta EAC iyadoon la raacin nidaamyadii lagu heshiiyay ee ururka.
Liiskan ayaa isla markiiba laga soo celiyay dowladda Soomaaliya, wuxuuna muddo sannad ka badan ku xayirnaa gudaha dowladda, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta ay adkeynayso inuu baarlamaanka ansixiyo liiskaas.
Kala-daadsanaan iyo fursado lumay
Dib-u-dhaca Soomaaliya ku yimid inay si buuxda ugu dhex milanto ururka ayaa inta badan lagu eedeeyay kala-daadsanaanta iyo hufnaan la’aanta ka jirta gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa xannibtay fursado muhiim ah oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo Soomaaliya ka heli lahayd xubinnimada ururka EAC.
Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta ay u suurtageli weyday inay si buuxda uga faa’iideysato xubinnimada EAC, xilli ay dadaal badan gelisay sidii ay ku noqon lahayd xubin buuxda, islamarkaana ay bixisay lacagihii loo baahnaa.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa wali rajaynaya inay dowladdoodu dib u xaqiijiso ujeeddooyinkii asalka ahaa ee Soomaaliya looga biiriyay ururka, si ay dadka Soomaaliyeed ugu dambayn u helaan xuquuq la mid ah tan muwaadiniinta kale ee dalalka EAC.
Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ujeeddadiisu tahay inuu sii xoojiyo isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed, bulsho iyo dhaqan ee dalalka xubnaha ka ah, si loo hagaajiyo tayada nolosha shacabka gobolka, iyada oo loo marayo kobcinta ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Soomaaliya, oo kasoo kabanaysa colaado muddo dheer soo jiitamayay, waxay muhiimad gaar ah u leedahay inay si firfircoon uga faa’iideysato fursadaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee ururka uu bixin karo. Si kastaba ha ahaatee, sida hadda muuqata, waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya himiladii Soomaaliya ka lahayd xubinnimada iyo rabitaanka siyaasadeed ee looga baahan yahay si loo hirgeliyo faa’iidooyinkaasi.