Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta dib uga qarxay deegaanka Ceelhareeri, kaas oo u dhexeeay Al-Shabaab iyo ciidamada isbaheysanayaa ee dowladda iyo Macawiiselyda gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogan yahay, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo bixiyay faah-faahin hordhac ah ayaa guulo wayn ka sheegtay dagaalka maanta, waxayna tilmaameen inay beegsadeen goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana ay dib ka shaacin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee loo gaystay argagixisada.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmayo, taas oo sii kululeyneyso dagaalka ka socda deegaanka Ceelhareere gobolka Hiiraan.
Ceelhareeri ayaa waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay howlgallo culus oo jab lagu gaarsiiyay Khawaarijta, waxaana weli sii soconayo halganka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Inta ay socdeen howlgalladan waxaa lagu dilay horjoogayaal sar sare oo uu kamid yahay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo sidoo kale ahaa nin halis badan oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna hadda qayb ku lahaa abaabulka Al-Shabaab ka waddo Shabeellaha Dhexe oo kooxda ka qabsatay deegaanno dhowr ah.
Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa sii laba kacleynaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso inay qaado gulufkii ugu dambeeyay oo kooxda looga xoreynayo deegaannadii u dambeeyay ee ay qabsatay.

