26.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Daawo: Fiqi oo war ka soo saaray abaabulka dagaalka, siyaasiinta qaarna ku sifeeyey…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada  Online) – Wasiirka Gaasgaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka warbixiyey halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab, isagoo farriin u diray siyaasiyiinta jeediya hadallada taageerada u ah cadowga iyo ciidamada ku jira dagaalka.

Fiqi ayaa ugu horeyn sheegay inay jiraan siyaasiyiin ay ka soo dhex-hadlaan Shabaab, kuwaas oo uu uga digay buunbuuninta cadowga iyo danaha guracan ee dhiigga shacabka ay ka dhex raadinayaan.

“Fariinteydu waxay tahay Khawaarij ama afkeeda haku hadasho ama afka qaar kamid ah siyaasiyiinteena ha soo fuulaane, waa laga xoreynayaa dalkaan, wax kasta waqti ayey ku xiran yihiin, laakiin maanta waxay joogaan in dalkii oo dhan ista isku soo gurmadaan ay hal tuulo qabsa waayaan,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ay wadaan abaabul cusub oo xoog leh, kaas oo qorshihiisu yahay in Khawaarijta deg deg looga saaro dhulka ay joogaan.

“Dadka Soomaaliyeed intooda jecel in kooxahaas Khawaarijta ah laga guuleysto waxaan leeyahay soo garab istaaga halgankaan, Khawaarij waxay sabab u yihiin tahriibka ay dhalinyaradeenu ay ku dhamaanayaan, shaqo la’aanta dalkeena ka jirta, in dalkeenu isku filaado oo soo saarto kheyraadkiisa bad iyo berri ayey naga hortaagan yihiin, dadkeenii ugu badnaa ayey qaxooti ka dhigeen oo xeryaha barakacyaasha ku jira,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale, Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay mucaaradka dowladda ku duraya arrimaha dagaalka isagoo yiri, “Dagaalka Khawaarijta wax la isku naceyn karo oo siyaasad laga dhex raadi karo maaha, ciiddii siyaasad ka dhex raadisa waxay weysay aragti siyaasadeed oo suuqa ay la timaado.”

Ugu dambeyntii wasiir Fiqi oo farriin u diray ciidamada qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee macawiisley ayaa faray in dagaalka la sii labo jibaaro oo qof Shabaab ah meeshii lagu arko laga jaaseeyo dhibaatooyinkii ay u geysteen dadkeena.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News