Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaheysiga mucaaradka ugu weyn ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka dowladda federaalka ee lagu kala diray madasha C6+, iyagoo ka digay in tallaabadani ay astaan u tahay go’doomin siyaasadeed iyo u jeesasho kaligii-talisnimo.
Bayaan ay soo saareen Khamiistii, Golaha Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay si masuuliyad-darro ah uga baxday hannaanada iskaashi ee caalamiga ah “iyadoo aan bixin wax beddel ah oo lagu kalsoonaan karo”, taasoo, sida ay sheegeen, khatar gelinaysa guulihii laga gaaray dhismaha dowladnimada iyo dimoqraadiyadda.
“Tallaabadan degdega ah waxay muujinaysaa leexasho halis ah oo laga leexday iskaashi miro dhal ah, waxayna dareenka ka jeedinaysaa go’doonka sii kordhaya ee xukuumadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Golaha oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay warqaddii 10-kii Juun ee loo diray Qaramada Midoobay, taasoo uu Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad ku tilmaamay madasha C6+ mid “duugowday oo aan wax tar lahayn.”
“Joogteynta C6+ sida aalad siyaasadeed oo dibadda laga maamulo waxay tahay mid duugowday oo waxyeello leh,” ayuu qoray Cali Balcad, isagoo xusay in madashu “wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya waxayna abuuraysaa sawir ah in dalku weli hoos imanayo faragelin shisheeye.”
Madasha C6+, oo la aas-aasay in ka badan toban sano ka hor, waxay isu keentay daneeyayaal caalami ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD, si ay uga taageeraan Soomaaliya geeddi-socodka siyaasadeed, doorashooyinka iyo dib-u-habaynta amniga.
Balse dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in cutubkaasi la soo afjaray.
“Soomaaliya hadda ma ahan dal ku jira marxalad kala guur,” ayaa lagu yiri warqadda. “Waa dal madax-bannaan oo leh hay’ado dastuuri ah oo shaqeynaya, nidaam dimoqraadi ah oo bislaaday, iyo aragti qaran oo cad oo ku saleysan nabad iyo horumar.”
Mucaaradka ayaa se aaminsan in sheegashada dowladda ee madax-bannaanida ay tahay mid daboolaysa dhibaatooyin gudaha ah oo sii kordhaya.
“Xilli ay aad muhiim u tahay in wadahadal loo dhan yahay la furo, Madaxweynaha halkii uu ka xoojin lahaa wada-tashiga qaran wuxuu kala diray Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo qaar ka mid ah xubnihiisa ku biiriyay xisbigiisa, halka uu hareer-marsaday hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka,” ayaa lagu sheegay bayaanka.
Goluhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha in uu isu geeyay awoodda dalka, caburiyay mucaaradka, isla markaana uu lumiyay kalsoonidii beesha caalamka.
“Awood urursiga khatarta leh ee uu Madaxweynaha wado waa mid si cad uga muuqata kala dirista Golaha Wadatashiga Qaran, adeegsiga xoogga milateriga ee lagu cadaadinayo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, faragelinta Baarlamaanka, iyo caburinta xorriyadda hadalka iyo warbaahinta madaxa bannaan,” ayuu yiri Golaha.
Warqadda dowladda u dirtay Qaramada Midoobay ayaa timid xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay shir qaran oo ay wadaan beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin safaaradaha reer Galbeedka iyo xafiiska UNSOM, kaasoo looga golleeyahay in lagu xalliyo murannada doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay hindisahan, iyadoo ku tilmaantay faragelin aan loo dulqaadan karin.
“Dowladda Soomaaliya weli waxaa ka go’an xiriir dhow oo wax-ku-ool ah oo ay la leedahay dhammaan xubnaha C6+, balse ku dhisan ixtiraam wadajir ah iyo yoolal la isla oggol yahay,” ayuu Cali Balcad ku qoray warqadda.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradku waxay aaminsan yihiin in iskaashiga beesha caalamka uu weli yahay lama huraan.
“Waxaan si daacadnimo leh ugu mahadcelineynaa saaxiibada caalamka ee taageeradooda joogtada ah u fidiyay Soomaaliya,” ayay yiraahdeen, iyagoo mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay “nabad, xasillooni iyo horumar.”
Khilaafka siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo ay ka sii dareen kala khilaafyada gudaha. Wadahadalkii siyaasadeed ee dowladda qorsheysay in la qabto 15-ka Juun ayaa waxaa horay u diiday dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo xubno ka tirsan Golaha Badbaadada Qaranka.
Iyadoo labada dhinac ay ku adkeysanayaan mowqifyadooda, Soomaaliya waxay wajahayaan khatar isa soo taraysa oo ah hakad siyaasadeed.
“Madax-bannaani dhab ah,” ayay mucaaradku ku soo gunaanadeen, “waxaa lagu gaaraa hoggaan daahfuran, go’aan wadaag ah, iyo iskaashi wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan daneeyayaasha gudaha iyo kuwa caalamkaba.”