27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Xildhibaano Mareykan ah oo soo saaray sharci la xiriira aqoonsiga Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Kooxo xildhibaanno Mareykan ah ayaa soo gudbiyay sharci cusub oo lagu aqoonsanayo Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadan oo dib u soo nooleysay dood ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika, xilli isbedbeddel juqraafi-siyaasadeed iyo loollan gobolka ah uu cirka isku shareeray.

Sharcigan oo loo bixiyay Republic of Somaliland Independence Act ayaa Khamiistii waxaa soo bandhigay Xildhibaan Scott Perry (Jamhuuri–Pennsylvania), waxaana si wadajir ah u taageeraya xildhibaannada Jamhuuriga ah ee Andy Ogles (Tennessee), Pat Harrigan (North Carolina), iyo Tom Tiffany (Wisconsin).

Sharcigu wuxuu Mareykanka ugu baaqayaa inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, oo tan iyo 1991 si iskeed ah u sheegeysay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Doodda taageerayaasha sharciga

Taageerayaasha sharciga waxay sheegayaan in goobta juqraafiyeed ee Somaliland—oo ku taalla Gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb—ay siineyso muhiimad istaraatiiji ah oo la xiriirta amniga badaha iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa kale oo ay ku nuuxnuuxsadeen xasilloonida, dimoqraadiyadda, iyo doorka Somaliland ee la-dagaallanka argagixisada.

“Somaliland waxay muujisay hoggaan, xasillooni, iyo iskaashi ay tahay in Mareykanku taageero,” ayuu yiri Perry.

Xildhibaan Harrigan ayaa xusay in Somaliland ay u oggolaatay ciidamada Mareykanka in ay isticmaalaan deked istaraatiiji ah, isagoo intaas ku daray: “Taas waa waxa laga filayo lamaane dhab ah — waana waqtigii aan sidaas ula dhaqmi lahayn.”

Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaani 1991, Somaliland waxay dhistay hay’ado u gaar ah, qabatay doorashooyin joogto ah, waxayna sugtaa ammaanka gudaha — hase yeeshee wali ma helin aqoonsi caalami ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sheegata Somaliland inay qayb ka tahay dalka. Xildhibaan Tiffany ayaa sheegashadaas ku tilmaamay “mid aan sal lahayn” oo caqabad ku ah horumarka xiriirka Mareykanka iyo maamulka uu ku sifeeyay “mid shaqeynaya oo furan.”

“Waa xaqiiqo aan la diidi karin: Somaliland waa dal madax-bannaan, is-maamul ah, kana duwan Soomaaliya — siyaasadda Mareykankuna waa inay sidaas ka tarjumaysaa,” ayuu yiri Tiffany.

Xildhibaan Perry ayaa muddo dheer ka mid ahaa kuwa u ololeeya aqoonsiga Somaliland, balse dadaalkiisa cusub ayaa yimid xilli ay jiraan eedeymo ku saabsan saameynta loobbiga. Warbixinno ayaa muujinaya in qaar ka mid ah xildhibaanada taageeraya sharcigan ay xiriir la leeyihiin shirkado loobbiyo ah oo malaayiin doollar ka helo Somaliland, taasoo dhalisay shaki ku saabsan ujeeddada hindisaha.

Dhaliilayaasha ayaa ku dooday in sharcigu uu u muuqdo mid la jaanqaadaya dano gaar ah oo u badan loobbi, halkii uu ka noqon lahaa istaraatijiyad siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada Mareykanka waxay inta badan yeeshaan mowqifyo gaar ah oo aan ka tarjumeyn siyaasadda rasmiga ah ee dowladda.

“Golaha Congress-ka, laanta fulinta, iyo garsoorku waa hay’ado madax-bannaan oo isku miisaan ah,” ayuu yiri falanqeeye fadhigiisu yahay Washington. “Waxaa jira 535 xildhibaan, waana caadi in ay muujiyaan aragtiyo kala duwan, kuwaasoo aan mar walba noqon kuwo xambaarsan siyaasadda rasmiga ah ee dowladda Mareykanka.”

Mowqifka dowladda Mareykanka oo aan isbeddelin

Inkasta oo maamulka Trump uusan weli ka hadlin sharcigan, siyaasadda rasmiga ah ee Mareykanka ayaa weli la jaanqaadaysa mowqifka caalamiga ah ee ah in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sida ku cad dastuurka kumeel-gaarka ah ee 1960,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda. “Tani waxaa ku jira Somaliland iyo Puntland.”

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa sidoo kale taageersan midnimada Soomaaliya, iyadoo dadaallo hore oo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa ay ku guuldareysteen in ay xalliyaan muranka.

Sharcigan wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa walaaca sii kordhaya ee Mareykanka ka qabo saameynta Shiinaha iyo Iiraan ee qaaradda Afrika. Somaliland ayaa xiriir dhow la yeelatay Taiwan, iyadoo diidday xiriir diblomaasiyadeed oo ay Beijing la yeelato — arrin si weyn u cajabisay siyaasiyiinta Mareykanka ee ka soo horjeeda ballaarinta awoodda Shiinaha.

“Somaliland waxay dhistay xiriir xooggan oo ay la leedahay Taiwan, waxayna si cad u diidday cadaadiska Xisbiga Shuuciga Shiinaha,” ayuu yiri Harrigan. Xildhibaan Ogles ayaa isna yiri: “Xoojinta xiriirka la-hawlgalayaal sida Somaliland waxay maanta ka muhiimsan tahay weligeed, iyadoo la tixgelinayo tartanka caalamiga ah ee isa soo taraya.”

Sharcigan wuxuu u baahan yahay in marka hore uu ka gudbo guddiyada Aqalka Wakiillada ka hor inta aan loo gudbin golaha oo dhan. Aayihiisa Aqalka Senate-ka wali ma cadda, waxaana oggolaanshihiisa ugu dambeeya laga sugayaa laanta fulinta ee dowladda.

Inkasta oo uusan sharcigu si dhakhso leh u noqon karin xeer rasmi ah haddii uusan helin taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ballaaran, haddana wuxuu calaamad u yahay dadaalka dheer ee Somaliland ku dooneyso aqoonsi caalami ah.

“Somaliland waa lamaane lagu kalsoonaan karo, xasilloon, dimuqraadi ah, kana tirsan Bariga Afrika,” ayuu yiri Ogles. “Waxaan taageerayaa dadaalkooda madax-bannaanida, waxaana rajeynayaa xiriir xooggan oo aan dhisno.”

- Advertisement -

Read more

Local News