Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka digtay halis weyn oo amni oo uga imaan karta gudaha Soomaaliya, xilli uu xiriirka labada dal ragaadiyay khilaaf siyaasadeedka.
Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula oo hortagay Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in halis amni ay dalkiisa kaga imaan karto gudaha Soomaaliya, iyadoo xoogag “cadow ah” ay si weyn halkaas isugu urursadeen, sida uu hadalka u dhigay.
Berhanu Jula oo jeedinayay warbixin la xiriirta waxqabadka ciidamada dalkaas muddo sagaal bilood ah ayaa si cad u tilmaamin cidda uu hadalkiisa ku wajahan yahay, haddana waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaalad amni oo isa soo taraysa, taasoo uu ku sheegay mid khatar ku ah Itoobiya.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya markii hore loo diray ujeeddooyin nabad ilaalin iyo taageero dowladeed, balse hadda loo baahan yahay in si dhow loola xiriiro joogitaankooda arrimaha amniga gudaha ee Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay ciidamo ku leedahay Soomaaliya laba hab: kuwa ku jira howl-galka ATMIS iyo kuwo kale oo halkaas ku jooga iyada oo la raacayo heshiis laba geesood ah oo aan tiradooda la shaacin. Berhanu Jula ma uusan bixin faah-faahin buuxda oo ku saabsan tirada ciidamadaas iyo shaqada rasmiga ah ee ay halkaas ka hayaan.
Sidoo kale, taliyaha ayaa si gaar ah u xusay in dowladda Masar ay dooneyso inay ka faa’iideysato khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan xiisadaha siyaasadeed. Wuxuu sheegay in Masar ay taageero siinayso dhinacyo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo damacsan inay si militari ula fal gasho arrimaha gobolka.
Berhanu Jula wuxuu tilmaamay in bishii Agoosto 2024 ay dowladda Masar la saxiixatay heshiis dhanka militari ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyay in ilaa 10,000 oo askari oo Masaari ah loo diro gudaha Soomaaliya. Qaar ka mid ah ciidamadaas, ayuu xusay in lagu darayo howl-galka cusub ee AUSSOM.
Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uusan aad u xumeyn, inkasta oo labada dal ay marar badan isweydaarsadeen eedeymo culus oo la xiriira fara-gelin iyo dano is diiddan.