Muqdisho (Caasimada Online) – Cabaas Maxamed Hool oo ahaa mid kamid ah madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray howl-gal qorsheysan oo horey ugu beegsadeen Ciidamada Qalabka Sida, sida ay xaqiijisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ninkaan oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay kooxda ka fuliyaan gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, ayaa u geeriyooday dhaawacyo markii dambe ku sababay xanuuno kale oo ku keenay inuu muddo noqdo dhulyaal.
Horjoogahan ayaa Al-Shabaab uga biiray sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan darro ah oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.
Cabaas Hool wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha Shabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qalabka Sida, kuwaas oo Sirdoonka Soomaaliya uu hayo xogtooda oo dhamaystiran.
“Ma jirto meel ay uga baxsan karaan gacanta Ciidanka Qalabka Sida iyo cadaaladda, horjoogayaasha Khawaarijta ee caadaystay gummaadka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo lagu xaqiijiyay geerida Cabaas Hool.
Howl-gallada ka dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyay jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda, iyadoo laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inta ay socdeen howl-galladan waxaa lagu dilay horjoogayaal sar-sare oo uu kamid yahay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo sidoo kale ahaa nin halis badan oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna qayb weyn ku lahaa abaabulka kooxda ka waddo Shabeellaha Dhexe oo kooxda ka qabsatay deegaanno dhowr ah.
Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa sii laba kacleynaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso inay qaado gulufkii ugu cuslaa oo kooxda looga xoreynayo deegaannadii u dambeeyay ee ay qabsatay.


