26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Donald Trump “waxaan si buuxda ula wareegnay maamulka hawada IRAN”

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa daqiiqadihii la soo dhaafay soo dhigay dhowr farriimood oo la xiriira Iran, isagoo adeegsanaya barnaamijkiisa Truth Social.

Mid ka mid ah farriimihiisa, Trump wuxuu ku sheegay: “Hadda waxaan si buuxda oo dhammaystiran u maamulnaa hawada sare ee Iran,” inkastoo aysan jirin wax war rasmi ah oo ay ciidamada Mareykanku ku shaaciyeen inay si toos ah uga qaybqaateen dagaalka.

Sidoo kale, ma cadda cidda uu “annaga” uga jeedo.

“Iran waxay haysatay qalab casri ah oo raadraaca cirka iyo agabyo difaac oo badan, balse uma barbar dhigi karaan qalabka uu Mareykanku sameeyo, farsameeyo, oo uu isagu naqshadeeyo. Dunida cidna kama fiicna Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku, inkastoo uusan si toos ah dagaalka ugu lug lahayn, uu si “dhammaystiran” u ogyahay meesha uu ku dhuumanayo hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

“Waa bartilmaameed sahlan, balse wuxuu halkaas ugu sugan yahay si nabad ah – annagu ma dilayno (ugu yaraan hadda ma aha),” ayuu yiri. “Laakiin ma rabno in gantaallo lagu rido shacabka ama ciidamada Mareykanka,” ayuu raaciyay, isagoo ku hanjabay: “Samirkeenna wuu sii yaraanayaa.”

Farriin kale oo uu ku qoray dhammaan xarfo waaweyn ayuu Trump si kulul ugu baaqay: “ISDHIIB SHURUUD LA’AAN AH!”—wuxuu ku celinayay dalabkiisii hore ee ahaa in Iran ay si buuxda isu dhiibto.

Ilaa iyo hadda, wax jawaab ah lagama helin dowladda Tehran.

Dhinaca kale, saddex sarkaal oo Mareykan ah ayaa u sheegay warbaahinta in ciidanka Mareykanka ay u direen diyaarado dagaal oo dheeraad ah Bariga Dhexe, isla markaana la kordhiyay muddada ay sii joogayaan diyaaradaha horey ugu sugnaa, si loo xoojiyo joogitaanka milatari ee gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradaha la dirayo ay ka mid yihiin F-16, F-22, iyo F-35.

Labada sarkaal ee kale ayaa carrabka ku adkeeyay in ujeeddada dirista diyaaradahaasi ay tahay mid difaaceed, maadaama loo adeegsaday in lagu soo rido drones iyo gantaallo lagu soo tuuray saldhigyada Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News